Taliban oo si rasmi ah u bedeshay calanka Afghanistan

Image
Labaatan sano kadib, Taalibaan ayaa dib ugu soo laabatay Kabul, Mareykankuna waa ka baxay dalkaas.

KABUL, Afghanistan — Taalibaan ayaa calankooda ka taagay xarunta madaxtooyada Afghanistan Sabtidii, sida uu xaqiijiyay afhayeenkooda, xilli Mareykanka iyo adduunka intiisa kale ay xusayaan sannad-guuradii 20 -aad ee weeraradii 11 -kii September.

Calanka cad oo ay ku xardhan tahay Aayad Qur’aanka ah, ayaa waxaa saaray Mullah Mohammad Hassan Akhund, oo ah Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda ku-meelgaarka ah ee Taalibaan, waxaana loo sameeyay xaflad kooban, sida uu sheegay Ahmadullah Muttaqi, oo ah madaxa laanta warbaahinta ee guddiga dhaqanka Taalibaan.

"Calan-saaridda Taalibaan waxay calaamad u tahay bilowga rasmiga ah ee shaqada xukuumadda cusub," ayuu yiri Ahmadullah Muttaqi.

Dhismaha dawladda Taalibaan oo dhammaan golaha wasiiradu ay rag yihiinn ayaa lagu dhawaaqay horraantii toddobaadkan ,waxayna la kulanta niyad jab beesha caalamka oo rajaynaysay in Taalibaan ay ka dhabeyso ballanqaadkii hore ee ahaa dhismaha dowlad loo dhanyahay.

Madaxweynihii hore ee Afghanistan Hamid Karzai, ayaa qoraal uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay wuxuu ku baaqay "nabad iyo xasillooni" wuxuuna muujiyey rajada ah in golaha cusub ee ku-meelgaarka ah oo aysan ku jirin haween iyo qof aan Taalibaan ahayn ay noqon karto "dowlad loo dhan yahay" kaliya marka loo fiiriyo wejiga dhabta ah ee Afghanistan oo dhan."

Labaatan sano kahor, xukunka Afghanistan waxaa gacan adag ku hayay Taalibaan, iyagoo xilligaas mamnuucay telefishinka, waxaana weeraradii argagixisada ahaa ee lagu soo qaaday Mareykanka ay dadka ka dhageysanteen Idaacadaha Kabul.

Labaatan sano kadib, Taalibaan ayaa dib ugu soo laabatay Kabul, Mareykankuna waa ka baxay dalkaas, isagoo soo afjaray dagaalkiisii laba toddobaad kahor sannad -guuradii 20 -aad ee 9/11 iyo laba toddobaad ka dib markii Taalibaan ay ku laabteen caasimadda Afgaanistaan 15 -kii Agoosto.

AP + VOA

Related Articles

Ugu yaraan 3 askari Mareykan ah oo ku dhintay howlgal ka dhan ah Iran – CENTCOM

War-saxaafadeed kasoo baxay taliska ayaa lagu sheegay in shan askari oo kale ay soo…

  • Caalamka

    01-03-2026

  • 04:30PM

Imaaraadka oo ka digay tallaabo adag haddii weerarrada Iran sii socdaan

Markii la weydiiyay suurtagalnimada tallaabo militari, ayay sheegtay in arrintaas ay weli furan tahay.

  • Caalamka

    01-03-2026

  • 12:12PM