Taliban oo 'balanqaad' u sameysay haweenka Afghanistan

Image
Afhayeenka Taliban, Zabihullah Mujahid, ayaa kasoo muuqdey shirkii jaraa'id ee ugu horeeyay. [Photo: AP]

KABUL, Afghanistan - Kooxda hubeysan ee Taliban ayaa Madaxtooyada Afghanistan ee magaala madaxda Kabul waxay ku qabatay shirkii jaraa'id ee ugu horeeyay tan iyo markii ay talada waddankaas la wareegeen.

Afhayeenka kooxda Zabihullah Mujahid oo ay wehliyaan laba xubnood kale ayaa kasoo muuqdey shirka jaraa'id oo ay xaadireen inta badan warbaahinada maxaliga ah iyo kuwa caalamka.

Mujahid oo xaqiijiyey in ay cafis u fidiyeen cid walba oo la shaqeysay dowladii dhacdey iyo ciidamada shisheeye ayaa xusay in xuquuqda dumarka ay ku saleyn doonan shareecadda Islaamka.

"Waxaan jeclaan lahaa inaan u xaqiijiyo beesha caalamka inaan qofna waxyeello loo geysan doonin," ayuu yiri Zabihullah Mujahid. "Ma doonayno inaan wax dhibaato ah kala kulanno beesha caalamka".

Sarkaalkan oo difaacay qabsashadooda magaalada Kabul ayaa ka dhawaajiyey in ay dhowaan soo bandhigi doonan dowlad cusub "markaas kadib ayay kala cadaan doonan wax sharci oo sharci ah

"Waxaan xaq u leenahay inaan u dhaqano si waafaqsan mabaadii'deena diimeed. Wadamada kale waxay leeyihiin habab, xeerar iyo qawaaniin kala duwan ... Afgaanistaan ​​waxay xaq u leeyihiin inay yeeshaan xeerarkooda iyo xeerarkooda si waafaqsan qiyamkeena," ayuu xusay.

Isaga oo ka falcelinaya go'aan shirkada Facebook ay ku mamnuucey taageerada barteeda loo marinayo kooxda, Mujahid ayaa si aan toos ahayn u muujiyey in ay dhaleeceynayaan go'aankaas.

"[Waxaa naga go'an] xuquuqda haweenka ee ku hoos jira nidaamka shareecada [shareecada Islaamka]," ayuu xusay Mujaahid. "Waxay noqon doonaan kuwo si wadajir ah ula shaqeeya, waxaan jeclaan lahayn inaan u xaqiijinno beesha caalamka inaysan jiri doonin takoor".

Dowladaha caalamka ayuu u caddeeyay in aysan Taliban aqbali doonin in dhulka Afghanistan uu noqdo meel ay kooxaha argagixisada ah kaga duulaan wadamadda ee aduunka si gaar ah kuwa deriska la ah.

Ugu dambeyntii, Mujaahid oo hoosta ka xariiqay in ay ka go'an tahay in warbaahinta ay si madax-banaan oo dhex-dhexaad ah u shaqeyso ayaa ku waaniyey in aysan ka shaqeyn arrimo liddi ku ah diinta Islaamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

India: New Delhi oo la geliyay heegan sare kadib qarax dhimasho sababay

Wakaaladda PTI News ayaa ku warrantay in magaalada Delhi lagu soo rogay heegan amni oo sare kadib qaraxa.

  • Caalamka

    10-11-2025

  • 05:09PM

Madaxweynaha Suuriya oo gaaray Maraykanka kadib markii laga saaray liiska argagixisada

Safarka Al-Sharaa ayaa loo arkaa mid calaamad u ah isbedel cusub oo xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Washington iyo Dimishiq.

  • Caalamka

    09-11-2025

  • 07:15AM