Taliyaha Ciidamada Ilaalada Kacaanka Iran oo u hanjabay Israa’iil

Image

TEHRAN - Taliyaha ciidamada Ilaalada Kacaanka Iran Hossein Salami ayaa uga digay Israa'iil inay weerar dhanka dhulka ah ku qaado Qasa, isagoo sheegay in haddii ciidamada Israa'iil ay fuliyaan weerarkaas, "halkaas lagu aasi doono."

Sida laga soo xigtay wakaaladda wararka Iran ee Tasnim, Salami ayaa u sheegay Israa'iil: "Waxaan u sheegaynaa in ay joojiyaan dabka ay hurinayaan ka hor inta ay iyagu ku guban”.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran, Hossein Amir Abdollahian, ayaa dhankiisa warqad uu u diray madaxa Qaramada Midoobay u qaabilsan xuquuqul insaanka Volker Türk ku sheegay in weerarrada Israa’iil ay gaareen heer lagu magacaabi karo Xasuuq wadareed.

Sidoo kale, Horaantii Arbacadii, hogaamiyaha ugu sareeya Iran Ali Khamenei ayaa ku eedeeyay Mareykanka inuu hogaaminayo dambiyada laga geysanayso Qasa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM