Taliyaha Ciidanka Taageerada Degdegga ah RSF oo ku baaqay xabad-joojin

Image
Dagalo ayaa sheegay in waxa ugu horeeya ee nabad lagu gaari karo ay tahay xabad joojin.

Khartoum (GO) - Taliyaha Ciidanka Taageerada Degdegga ah Maxamed Xamdaan Dagalo (Hemedti) ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in Xabad joojin looga dhawaaqo Suudaan isla markaana wada xaajood la galo, haddii dhinaca kale ay ogolaadaan oo ay u hoggaansamaan tallaabadaan sida uu hadalka u dhigay.

Dagalo ayaa ku sheegay wareysi uu siiyay warbaainta Sky News in uusan billaabin dagaalka, isaga oo arrintaas ku eedeeyay Taliyaha Ciidamada Al-Burhaan.

Wuxuu intaas ku daray: "Kaligay ma joojin karo dagaalka, joojinta dagaalka waxay leedahay habraacyo oo aan ku soo bandhignay wadahadaladii Jeddah, 90 boqolkiiba doodihii halkaas ka dhacayna waa la isku afgartay."

Waxa uu sidoo kale sheegay in waxa ugu horreeya ee la samayn karo si nabad lagu gaaro ay tahay xabbad-joojin.

Dagalo ayaa sidoo kale ka hadlay kulanka la dhowrsugayay oo dhowr jeer baaqday oo kala dhaxeeya taliyaha ciidamada, isagoo yiri: “Al-Burhaan waa kii codsaday inuu ila kulmo, balse wuxuu ku xiray in kulankaas uu noqdo mid gaar ah".

Ilaa 12,000 oo qof ayaa lagu dilay dagaalka ka socda Suudaana, sida laga soo hay’daha maxalliga ah, halka malaayiin ay ku barakaceen gudaha iyo dibadda dalka, xilli dhammaan dadaalladii ilaa hadda la sameeyay ee lagu doonayay in lagu xakameeyo colaadda dhiigga badan ku daatay ayaa guuldarreystay.

GaroweOnline.

Related Articles

Weerar lagu qaaday masaajid ku yaalla Pakistan oo dilay ugu yaraan 16 qof

Gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa lagu dhuftay afaafka masaajid ku dhex yaalla…

  • Caalamka

    18-09-2026

  • 11:52AM

Mareykanka oo ansixiyey qorshe $24.3 bilyan oo diyaaradaha F-35 ah looga iibinayo Sacuudi Carabiya

Qorshaha hubka ayaa soo baxay iyadoo Xuutiyiintu si weyn u kordhiyeen…

  • Caalamka

    18-09-2026

  • 02:09AM