Taliyihii Ciidamada Xuutiyiinta Yemen oo la dilay iyo Israel oo sheegatay
YEMEN - Jamaacadda Xuutiyiinta ee Yemen ayaa ku dhawaaqday in Taliyaha Guud ee Ciidamada, Maxamed Cabdulkarim Al-Ghamari, lagu dilay isaga oo “gudanaya waajibaadkiisa shaqo.” Al-Ghamari ayaa ka mid ahaa saraakiisha ugu sarreeya ee dhinaca milatariga kooxda Xuutiyiinta.
Daqiiqado kadib markii bayaan rasmi ah la soo saaray Khamiistii, Israel ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka, iyadoo Wasiirka Difaaca ee Israel, Israel Katz, uu sheegay in Al-Ghamari lagu beegsaday duqeyn Israa’iili ah.
Xuutiyiintu waxay sheegeen in dagaalka ay la wadaan Israel “uusan dhamaan,” isla markaana Israel “ay heli doonto ciqaab celin ah oo ka dhalata dambiyada ay geysatay.”
Bishii Ogoosto, Israel waxay sheegtay inay duqeysay hoggaamiyeyaal sare oo ka tirsan Xuutiyiinta, oo ay ku jireen Al-Ghamari, weerarro lagu qaaday magaalada Sanca, halkaas oo lagu dilay Ra’iisul Wasaarihii dowladda Xuutiyiinta iyo wasiiro kale.
Wasiirka Difaaca Israel, Katz, oo qoraal soo dhigay baraha bulshada Khamiistii, ayaa sheegay in “weerarka lagu qaaday Al-Ghamari uu ahaa mid qorsheysan,” isagoo ku daray, “Waxaan sidaas oo kale u wajihi doonnaa hanjabaad kasta oo mustaqbalka yimaada.”
Geerida Al-Ghamari waxay timid lix maalmood kadib markii la gaaray xabbad-joojin jilicsan oo uu Mareykanku garwadeen ka ahaa, taas oo dhax martay Israel iyo Xamaas ee Qaza. Heshiiskan ayaa joojiyay dagaalkii laba sano socday ee Israel ku qaaday Qaza, kaas oo dilay ku dhawaad 68,000 oo Falastiiniyiin ah, isla markaana sababay masiibo bani’aadamnimo.
Tan iyo markii Israel ay bilowday dagaalka Qaza bishii Oktoobar 2023, Xuutiyiinta Yemen ayaa fuliyay weerarro drone iyo gantaallo ah oo ka dhan ah Israel, iyagoo sheegay inay ku taageerayaan shacabka Falastiin. Kooxdu waxay sidoo kale weerarro ka fulisay Badda Cas, bartilmaameedsanaysay maraakiibta ganacsiga.
Bayaanka Xuutiyiinta ee lagu shaaciyay geerida Al-Ghamari ayaa lagu cambaareeyay weerarro “naxariis-darro ah” oo Israel ku qaaday shacabka Yemen, xaafadaha rayidka, goobaha dhaqaalaha, iyo kaabayaal muhiim ah, iyadoo la sheegay in shacabka Yemen ay kaga jawaabeen “adkeysi iyo geesinimo.”
Kooxdu waxay sheegtay in ciidamadooda badda iyo dhulkaba ay fuliyeen 758 hawlgallo ciidan, kuwaas oo ay adeegsatay 1,835 hub iyo gantaallo, iyagoo tilmaamay in guulahaas aysan suurtagal noqon lahayn la’aanteed “hogaamiyeyaasha iyo dagaalyahanada sida Al-Ghamari.”
Duqeymaha Israa’iil ee Yemen ayaa noqday kuwo joogto ah oo inta badan waxyeello culus u geysta, gaar ahaan kaabayaasha muhiimka ah sida garoonka diyaaradaha caalamiga ah, halkaas oo marar badan lagu laayay dad badan.
Hoggaamiyaha Xuutiyiinta, Cabdul-Malik Al-Xuuti, ayaa ku ammaanay Al-Ghamari kaalintiisii weynayd ee uu ku lahaa howlaha militari ee Yemen ee lagu taageerayay Qaza.
Khudbad uu jeediyay Khamiistii, ayuu ku sheegay in hogaamiyeyaasha sida Al-Ghamari ay yihiin “allabari Ilaah loo huray” oo ka tarjumaya mowqif dhab ah oo iska caabin iyo go’aan adag ah.
Wuxuu intaas ku daray in Yemen ay sii wadi doonto dariiqaas inkastoo ay jiraan dadaallo Mareykan ah oo lagu doonayo in la “go’doomiyo dadka Falastiiniyiinta.” Wuxuu sheegay in hoggaamiyeyaasha kale ee milatariga “ay sii wadi doonaan jidka uu Al-Ghamari ka tagay.”
Toddobaadkii hore, kadib markii la shaaciyay xabbad-joojinta Qaza, Al-Xuuti ayaa sheegay in kooxdu ay la socon doonto sida Israel u fuliso heshiiska, islamarkaana ay dib u bilaabi doonaan weerarrada haddii Israel jebiso heshiiska.
GAROWE ONLINE