Tallaalka Ebola oo rajo wanaagsan laga muujiyey

Image

November 27, 2014 (GO)- Khubarada caafimaadka ayaa guul ku tilmaamay natiijo hordhac ah oo kasoo baxday tallaalka weli tijaabada ku jira ee loo diyaarinayo cudurka dilaaga ah ee Ebola.

Labaatan qof oo mutadawaciin ah oo dalka Maraykanka dhexdiisa lagu siiyey tallaalka ayaa la ogaadey in jirkoodu adkeysi u yeeshay inuu aqbalo iskana difaaco fayruska sababa Ebolaha.

Haddii talaalkaasi noqdo mid taaba-gal ah waxaa marka ugu horeysa lagu duri doonaa tobannaan kamid ah shaqaalaha caafimaadka ee ka hawlgala wadamada galbeedka Afrika ee cudurkaasi faraha ba'an ku hayo.

Todobaadyo kahor xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon ayaa sheegay in heerka fidista cudurka Ebola hoos u dhacay isagoo ku baaqay in caalamku si wadajir ah isaga kaashado ka hortagga iyo weliba dabar goynta fayruska Ebola.

Laga soo bilaabo bishii March ee sanadkan 2014, waxaa cudurka Ebola u geeriyoodey in ka badan 5,000 oo qof, dadkaasoo badankoodu ku dhintay dalalka Liberia, Sierra Leone, Nigeria iyo Guinea.

Waxaa xusid mudan in fayruska Ebola gaarey dhowr qofna  ku diley dalka Maraykanka. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Pakistan oo diyaarado dagaal u dirtay Saudi Arabia xili uu fashilmay Wadahadalka Islamabad

Falanqeeyayaasha amniga ayaa rumeysan in u dirista diyaaradahan aysan ahayn mid militari ahaan wax weyn ka beddelaysa awoodda difaaca.

  • Caalamka

    12-04-2026

  • 09:41AM

Mareykanka iyo Iiraan oo ku kala tagay wadahadalladii Islamabad

Madaxweyne ku-xigeenka J.D. Vance ayaa sheegay in Maraykanku uu si daacad…

  • Caalamka

    12-04-2026

  • 02:47AM