Talyaaniga oo daweyn u fidin doono falastiiniyiinta ku dhaawacmay Qasa

Image

ROMA  (GO) - Wasiirka arrimaha dibadda ee Talyaaniga Antonio Tajani ayaa Jimcihii ku dhawaaqay in dalkiisu uu diyaar u yahay in lagu daweeyo Falastiiniyiinta ku dhaawacmay dagaalada ka socda marinka Qasa.

Wakaalladda Wararka Talyaaniga ee ANSA ayaa ka soo xigatay Tajani isagoo leh: “Waxaan siiyey amar dublamaasiyiinteena inay muujiyaan sida Talyaanigu diyaarka ugu yahay inuu daweeyo Falastiiniyiinta ee dhaawaca ka soo gaaro dagaalka".

Wasiirka ayaa intaas ku daray: "Waxaan diyaar u nahay inaan daryeelka gaarka ah u fidino dadka u baahan."

Tallabadan ayaa imaanaysa xilli ay Israa'iiliyiintu xoojiyeen duqeymaha ay ka geysanayaan Qasa, iyagoo sidoo kale duqeeyay gawaari ambalaas ah oo marayay afaafka hore ee isbitaalka Al-Shifa, halkaas oo ay ku dileen dad dhaawac ah oo u socday in lagu daweeyo meel ka baxsan marinka Marinka Rafax.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sacuudiga oo hab cusub ku dhoofinaya shidaalka kadib cadaadiska Hormuz iyo Bab al-Mandab

Markab Sacuudigu leeyahay ayaa shidaalka kasoo qaada dekedaha Khaliijka, kadibna…

  • Caalamka

    19-09-2026

  • 08:00AM

Kuuriyada Waqooyi oo diiday go’aan ka dhan ah barnaamijkeeda nukliyeerka

Wasaaradda ayaa Sabtidii sheegtay in Kuuriyada Waqooyi ay weligeed ahaan doonto quwad nukliyeer ah.

  • Caalamka

    19-09-2026

  • 05:18AM