Talyaaniga oo daweyn u fidin doono falastiiniyiinta ku dhaawacmay Qasa

Image

ROMA  (GO) - Wasiirka arrimaha dibadda ee Talyaaniga Antonio Tajani ayaa Jimcihii ku dhawaaqay in dalkiisu uu diyaar u yahay in lagu daweeyo Falastiiniyiinta ku dhaawacmay dagaalada ka socda marinka Qasa.

Wakaalladda Wararka Talyaaniga ee ANSA ayaa ka soo xigatay Tajani isagoo leh: “Waxaan siiyey amar dublamaasiyiinteena inay muujiyaan sida Talyaanigu diyaarka ugu yahay inuu daweeyo Falastiiniyiinta ee dhaawaca ka soo gaaro dagaalka".

Wasiirka ayaa intaas ku daray: "Waxaan diyaar u nahay inaan daryeelka gaarka ah u fidino dadka u baahan."

Tallabadan ayaa imaanaysa xilli ay Israa'iiliyiintu xoojiyeen duqeymaha ay ka geysanayaan Qasa, iyagoo sidoo kale duqeeyay gawaari ambalaas ah oo marayay afaafka hore ee isbitaalka Al-Shifa, halkaas oo ay ku dileen dad dhaawac ah oo u socday in lagu daweeyo meel ka baxsan marinka Marinka Rafax.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo beenisay inay wada-xaajood ka dalbatay Mareykanka xili xiisad dagaal jirto

Tani ayaa ku soo beegmaysa kadib markii Madaxweyne Donald Trump uu Talaadadii sheegay in “ciidan kale” uu ku sii socdo Iran.

  • Caalamka

    28-01-2026

  • 01:51PM

Spain oo Sharciyo siinaysa Nus Milyan Muhaajiriin Sharci-la’aan ah

Saiz waxay sheegtay in tallaabadan ay tahay mid lagama maarmaan u ah ka jawaabidda xaqiiqada ka jirta waddooyinka dalka.

  • Caalamka

    28-01-2026

  • 09:41AM