Talyaaniga oo Diiday Duqeymo ka Dhan ah Xuuthiyiinta Yemen

Image

ROME, Jan 12 (GO) - Talyaaniga ayaa diiday inuu ka qayb qaato duqaymaha Mareykanka iyo Britain ay xalay ka fuliyeen kooxda Xuuthiyiinta ee Yemen, sidaas waxaa sheegay ilo xukuumadeed Jimcihii, isagoo sharxay in Rome ay doorbideyso siyaasad “dagan” oo lagu dhaqamo xaalada ka tagaan Badda Cas.

Ilo, aan dooneyn in magacaabo in la sheego sababo la xiriira xasaasiga arrinta, ayaa sidoo kale sheegtay in dowladda ay u baahnaan lahayd taageerada baarlamaanka si ay qayb uga noqoto wax kasta oo tallaabo milatari ah, taasoo ka dhigeysa in ogolaansho degdeg ah aanay suurtagal ahayn.

Mareykanka iyo Britain ayaa duqeeyey bartilmaameedyo badan oo Yemen ku yaal dhanka cirka iyo badda, iyadoo Netherlands, Australia, Canada iyo Bahrain ay bixiyeen taageero dhanka saadka iyo sirdoonka ah, sida ay sheegeen saraakiisha Mareykanka.

Duqeymaha xalay ayaa jawaab u ahaa weeraro isdaba joog ah oo Xuuthiyiinta ku qaadeen maraakiibta maraya Badda Cas - oo ka mid ah marinnada ganacsiga ee dunida ugu mashquulka badan.

Kooxda, oo ay taageerto Iran, ayaa sheegtay in weeraradooda ay yihiin calaamad isbarbar taag ah oo ay la garab taagan yihiin Hamas.

Horraantii toddobaadkan, Wasiirka Gaashaandhigga Talyaaniga Guido Crosetto ayaa Reuters u sheegay in weerarada Xuuthiyiinta la joojinayo iyadoo aan la abuurin dagaal cusub oo gobolka ka dhaca.

Mareykanka iyo dalal kale ayaa bishii hore bilaabay Hawlgalka lagu ilaalinayo maraakiibta rayidka ah ee maraya Badda Cas oo ah marinka ugu mashquulka badan caalamka. 

Talyaaniga ayaa bishii December ku dhawaaqay inuu maraakiib dagaal u dirayo aaggaas kadib codsiyo ka yimid milkiilayaasha maraakiibta, laakiin diidey hawlgalka uu hoggaaminayo Mareykanka, iyadoo xulafada kale ee Midowga Yurub sidoo kale u muuqdeen inay ka fogaanayaan hindisaha.

Crosetto ayaa sheegay in Talyaaniga uu u baahnaa ogolaanshaha baarlamaanka si uu ugu lug yeesho hawlgal badeed caalami ah oo cusub, taasoo adkeynaysa inuu ku biiro hawlgalkaas.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Pakistan oo sheegtay inay soo riday diyaarado dagaal oo India leedahay

Dowladda Hindiya weli kama aysan hadlin sheegashada Pakistan, iyadoo xiisadda u dhexeysa labada dal ay cirka isku shareertay mar kale.

  • Caalamka

    07-05-2025

  • 01:27PM

Trump oo Dhimaya 20% Tirada Jeneraalada Sare ee Ciidamada Mareykanka

Hegseth oo muuqaal soo dhigay barta X (horey Twitter) ayaa sheegay in siyaasaddan cusub ee uu ugu magac daray.

  • Caalamka

    06-05-2025

  • 07:33AM