Thailand: Nin dad ay ku jiraan xaaskiisa iyo cunugiisa laayey

Image
Dhibanayaasha ayaa waxaa ku jiray 22 caruur ah iyo sidoo kale dad waaweyn, sida ay booliisku sheegeen.

BANGKOK, Thailand — Nin hore uga tirsanaa booliiska Thailand ayaa Khamiista maanta ah 34 qof ku dilay toogasho wadareed ka dhacday xarun lagu xanaaneeyo carruurta, iyadoo warbaahintu ay sheegtay in ninka hubeysan uu markii dambe is-dilay.

Dhibanayaasha ayaa waxaa ku jiray 22 caruur ah iyo sidoo kale dad waaweyn, sida ay booliisku sheegeen.

Mar sii horreysay, boolisku waxay sheegeen inay ku raad-joogaan ninkii toogashada geystay, waxaana afhayeen u hadlay dowladda uu sheegay in ra’iisul wasaaruhu uu ku wargeliyay dhammaan hay’adaha ammaanka in gacanta loogu soo dhigo dembiilaha.

Panya Khamrap, oo ah askariga dilka geystey ayaa lagu waramay in dadka uu dilay ay kamid yihiin xaaskiisa iyo cunug yar oo uu dhalay kuwaasoo la waryey in ay ku sugnaayeen meesha ay wax ka dhaceen.

Khamrap ayaa wajahayey dacwad ku saabsan maandooriye. Maxkamad ayuu kasoo muuqdey Khamiista maanta ah. Balse, wararku waxay xusayaan in uu si lama filaan ah ku baxsadey.

Toogasho wadareedka ayaa naadir ku ah Thailand in kasta oo heerka lahaanshaha hubku uu sareeyo marka loo eego qaar ka mid ah wadamada kale ee gobolka, iyo sidoo kale hubka sharci darrada ah caadi ka ah Thailand.

Sannadkii 2020-kii, askari ka carooday heshiis hantiyeed ayaa waxaa la sheegay in uu toogtay ugu yaraan 29 qof, 57 kalena ku dhaawacay weerar ka dhacay afar goobood. Dowladda tan iyo wixii markaas ka dambeysay waxay aad u adkeysay ammaanka.

GO + VOA

Related Articles

Muwaadiniinta Shiinaha oo Lagu Dhibaateeyo Garoomada Diyaaradaha New Zealand

Ganacsiga u dhexeeya labada dal ayaa ah mid aad u ballaaran, iyadoo labada dal ay sanadkii hore wada ganacsadeen qiimo dhan 22.9 bilyan oo doollar.

  • Caalamka

    17-09-2025

  • 07:41AM

Rubio oo Qatar u tegay si uu uga shaqeeyo joojinta dagaalka Gaza

Rubio ayaa la filayaa inuu la kulmo madaxda Qatar si uu uga wada hadlo suuragalnimada xal nabadeed.

  • Caalamka

    16-09-2025

  • 09:41AM