TikTok oo dacweeyay gobol dhaca waqooyi-galbeed Mareykanka

Image
Cabashadan ayaa ka dambeysay markii ismaamulkan uu gabi ahaanba mamnuucay app-kan.

WASHINGTON, United States - Shirkadda TikTok ayaa bilowday dacwad ka dhan ah maamul goboleedka Montana ee waqooyi-galbeed ee Mareykanka kadib markii uu gobolku ansixiyay sharci xuduudaha ismaamulka ka mamnuucaya app-kan.

Kadib markii ay dcwad u gudbiyeen Maxkamadda Degmada ee Montana Isniintii, TikTok waxay ballan qaaday inay la dagaallami doonto waxa ay ku tilmaantay dadaal sharci darro ah oo lagu xaddidayo isticmaalkeeda.

"Waxaan caqabad ku nahay mamnuucida Montana ee TikTok ee aan sharciga waafaqsanayn si aan u ilaalino ganacsigeena iyo boqolaalka kun ee isticmaalayaasha TikTok ee Montana," ayay shirkadda ku sheegtey dacwadda.

Gal-dacwadeedka ayaa ku andacoonaysa in mamnuuciddu "ay xadgudub ku tahay xuquuqda xorriyadda hadalka iyo xuquuqda dastuuriga ah ee muwaadiniinta Mareykanku leeyihiin".

In kasta oo gobolo badan oo Mareykan ah iyo hay'ado federaali ah ay xaddideen ama mamnuuceen gelitaanka TikTok ee aaladaha dowladda - iyadoo lagu saleynayo sheegashooyinka ah in xogta goobta ay u adeegsan karto dowladda Shiinaha ilaalo - sharciga Montana waxa uu app-ka ka mamnuucayaa guud ahaan gobolka.

Iyadda oo la qorsheeyay inay dhaqan-gasho 1-da Janaayo, mamnuuciddu waxay sheegeysaa in gobolkan aan lagula soo dagin karin app-kan, lagu dhex-adeegsan karin iyo in la ganaaxayo qof walba oo jabiya go'aanka ku xusan sharcigan meelmaray.

TikTok ayaa dhowrkii bilood lasoo dhaafay waxay xudun u noqotey dood ku saabsan in macluumaadka dadka adeegsada ay hesho dowladda Shiinaha taas oo keentay in dalal badan oo reer galbeedka ah ay xayiraad ballaaran kusoo rogaan app-kan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM