Tirada askarta Yahuuda ee lagu dilay duulaanka Gaza oo la shaaciyay

Image
Qaramada Midoobay ayaa soo bandhigtay tirokoobkan iyadda oo soo xiganaysa milatariga Israa'iil.

DOOXA, Qadar - Saddexda qof ayaa lagu soo waramayaa in lagu dilay dagaal ka dhacay waqooyiga Gaza waxaana ku jiray sarkaal 19-sano jir ah oo ka tirsanaa Guutada 931-aad iyo labo taliye oo da’doodu u dhaxeyso 20 iyo 21, oo labaduba ka tirsan guutada “Geffen”.

Ugu yaraan 134 askari oo Israa’iiliyiin ah ayaa ilaa hadda lagu dilay duulaanka dhulka ee Gaza, waxaana ku dhaawacmay 740 kale, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay Arbacadii, iyadoo soo xiganaysa militariga Israa’iil.

Lama oga in saddexdii dhimasha ee ugu dambeysay ay ku jiraan tirada guud ee waxyeeladda soo gaaray ciidamadda huwanta ah ee Israa'iil ee ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Dhanka kale, Ciidamada Israa’iil ayaa gudaha u galay magaalooyinka iyo tuulooyinka ku teedsan Daanta Galbeed ee la haysto, iyagoo guryaha u galay, isla markaana xabsiga u taxaabay dad badan.

Dhacdadan ayaa waxa ay dhabaha u xaartey in ay isku dhaceen ciidamadda Yahuuda iyo dhallinyaro deegaanka ah oo ka dhacay meelo badan, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Wafa.

Rasaas toos ah iyo bambooyinka gacanta laga tuuro ayaa la isku adeegsaday intii uu socday iska horimaadka, inkastoo aysan jirin warar hordhac ah oo sheegaya dhaawacyo, sida ay sheegtay wakaaladda wararka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel oo la wadaagtay Maraykanka walaaca ay ka qabto Gantaallada cusub ee Iran 

Iran ayaa cashar lama iloobaan ah u dhigtay Israel bishii June, oo ku qaadey weeraro gantaallo oo Tel Aviv iyo Haifa ka dhigay sidii Gaza.

  • Caalamka

    22-12-2025

  • 07:47AM

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM