Tirada dadka ku dhintay daadadkii Liibya oo la xaqiijiyay

Image

TRIPOLI, Liibya - Wakaaladda wararka ee ِAnadol ayaa sheegtay in ilaa 2,800 oo qof ay ku dhinteen daadad ku soo rogmaday magaalooyinka bariga Liibiya oo ay sabab u tahay duufaanta “Daniel” ee ku dhufatay dalkaas subaxnimadii Axadda.

Warsaxaafadeed uu soo saaray Golaha madaxtinimada Liibiya ayaa lagu sheegay in magaalooyinka, Shahat, Al-bayda iyo Darna ay yihiin goobo ubaahan gurmad degdeg ah.

Warsaxaafadeedka uu soo saaray golaha ayaa lagu yiri: "Anagoo ka duulayna dhibaatadan baaxadda leh, waxaan ka codsaneynaa dalalka walaalaha iyo saaxiibada ah iyo hay'adaha caalamiga ah inay gargaar u fidiyaant."

Dhacdadan ayaa ku soo beegantay hal maalin uun ka dib dhulgariirkii ku dhuftay gobolka Al Haouz ee dalka Marooko, kaas oo ay ku dhinteen 2,800 oo qof, sida lagu sheegay tirakoobkii ugu dambeeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM

Warbixin: 7 Dhibaato oo la iska indhatiray oo laga yaabo inaadan ka warqabin 2025

Xaaladda bani’aadantinimo ee Soomaaliya ayaa sii xumaanaysa iyadoo abaaro, colaado iyo adeegyo bulsho oo daciif ah ay sababeen baahi weyn.

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 10:52AM