Tirada dadka ku dhintay marinka Qasa oo kor u dhaaftay 8 kun

Image

QASA (GO) - Wasaaradda caafimaadka ee marinka Qasa ayaa sheegtay Isniintii in ugu yaraan 8,306 Falastiiniyiin ah lagu dilay duqeymaha socda ee Israa’iil ay ku hayso Qasa tan iyo 7-dii October.

Wasaaradda Caafimaadka ee Falastiin ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in tirada dhimashada dadka ku sugan Daanta Galbeed ay gaartay 329 falastiiniyiin ah tan iyo bishii Janaayo, oo ay ku jiraan 121 tan iyo todobadii bishan.

Afhayeenka Bisha Cas ee Falastiin, Nepal Farsakh, ayaa shaaca ka qaaday in jarista isgaarsiinta iyo adeegyada internetka ee marinka Qasa ay caqabad ku noqotay shaqada kooxaha gargaarka degdeg ah ee ka howlagalka marinka.

Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in ay sii wadaan balaarinta howlgallada dhulka ee Marinka Qasa, iyagoo xaqiijinaya dilka tobanaan ka tirsan Xamaas iyo burburinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo xarumaha militariga ee ururka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM