Tirada dhimashada askarta Israa’iil ee dagaalka Qasa oo korortay

Image

QASA (GO) - Tirada saraakiisha iyo askarta Israa’iil ee lagu dilay dagaalka Marinka Qasa tan iyo 7-dii Oktoobar ayaa gaartay 345 qof, iyada oo shalay la dilay 4 askari.

Ciidanka ayaa sheegay in saddex ka mid ah askartaasi ay xiriir la lahaayeen Guutada Givati, halka midka afaraadna uu ka tirsanaa qeybta Shaldag oo ku takhasusay aruurinta xogta.

Ciidamada Israa'iil ayaa ku dhawaaqay "go’doominta" magaalada Qasa, 6 maalmood ka dib markii ay bilaabeen duulaankooda dhulka.

Afhayeenka ciidamada Daniel Hagari ayaa sheegay in ciidamada Israa’iil ay dhameystireen hareeraynta Marinka oo xarun u ah ururka Xamaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maraykanka oo Ka Qabsaday Markab Xeebaha Dalka Venezuela

Warbaahinta caalamiga ah ee Reuters iyo Bloomberg ayaa lagu soo warramay…

  • Caalamka

    10-12-2025

  • 09:16PM

Thailand Oo Duqeyn Ka Fulisay Xuduuda Ay La Wadaagto Cambodia

Wasiirka Warfaafinta Cambodia, Neth Pheaktra, ayaa sheegay in dadka ku nool dhowr tuulo oo xuduuda u dhow la daad gureeyay.

  • Caalamka

    08-12-2025

  • 08:03AM