Tirada dhimashada askarta Israa’iil ee dagaalka Qasa oo korortay

Image

QASA (GO) - Tirada saraakiisha iyo askarta Israa’iil ee lagu dilay dagaalka Marinka Qasa tan iyo 7-dii Oktoobar ayaa gaartay 345 qof, iyada oo shalay la dilay 4 askari.

Ciidanka ayaa sheegay in saddex ka mid ah askartaasi ay xiriir la lahaayeen Guutada Givati, halka midka afaraadna uu ka tirsanaa qeybta Shaldag oo ku takhasusay aruurinta xogta.

Ciidamada Israa'iil ayaa ku dhawaaqay "go’doominta" magaalada Qasa, 6 maalmood ka dib markii ay bilaabeen duulaankooda dhulka.

Afhayeenka ciidamada Daniel Hagari ayaa sheegay in ciidamada Israa’iil ay dhameystireen hareeraynta Marinka oo xarun u ah ururka Xamaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sacuudiga oo hab cusub ku dhoofinaya shidaalka kadib cadaadiska Hormuz iyo Bab al-Mandab

Markab Sacuudigu leeyahay ayaa shidaalka kasoo qaada dekedaha Khaliijka, kadibna…

  • Caalamka

    19-09-2026

  • 08:00AM

Kuuriyada Waqooyi oo diiday go’aan ka dhan ah barnaamijkeeda nukliyeerka

Wasaaradda ayaa Sabtidii sheegtay in Kuuriyada Waqooyi ay weligeed ahaan doonto quwad nukliyeer ah.

  • Caalamka

    19-09-2026

  • 05:18AM