Tirada dhimashada Ciidamada Israa’iil ee Qasa oo korortay

Image

QASA (GO) - Ciidanka Israa’iil ayaa ku dhawaaqay in laba askari ay uga dhinteen, kuwo kalena ay ku dhaawacmeen iska horimaadyada ka dhacay gudaha marinka Qasa.

Tirada guud ee askarta Israa’iil ee lagu dilay Marinka tan iyo markii ay Israa’iiliyiintu billaabeen howlgallada dhulka ayaa kor u dhaaftay 34 askari.

Ciidamada Israel ayaa sheegay in ay gabi ahaanba hareereeyeen magaalada Qasa, iyagoo u arkayay inay tahay xarunta ugu weyn ee “Xms”, ciidamada ayaa sheegay in ay ku sii siqayaan bartamaha magaalada oo ay dadku ku badan yihiin.

Dhinaca kale, “Xms” ayaa ku dhawaaqday in dagaalyahanadooda ay khasaare xooggan gaarsiiyeen ciidamada Israa’iil.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Putin: Cunaqabateynta Trump saarey Ruushka waxay sii xumaynaysaa xiriirka labada dal

Afhayeenka Kremlin-ka ayaa xusay in Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, uu qadarinayo rabitaanka uu Donald Trump.

  • Caalamka

    27-10-2025

  • 01:47PM

Trump oo markii uu ka degay Malaysia la kulmay banaanbax isaga looga soo horjeedo

Madaxweynaha Mareykanka ayaa si weyn u doonaya inuu sheegto door muhiim ah oo uu ku lahaa heshiiskaas.

  • Caalamka

    26-10-2025

  • 05:00AM