Tirada dhimashada dhul-gariirka Turkiga iyo Suuriya oo korortay

Image
Cunug yar ayaa laga soo saaray bur-burka dhismayaasha kadib markii uu 152-saac ku hoos-jiray.

ANKARA, Turkey - Dadka ku geeriyoodeey dhul-gariirkii todobaad kahor ruxay koonfurta Turkiga iyo waqooyiga Suuriya ayaa gaartay in ka badan 34 kun oo qof, sidda ay tabisay warbaahinta maxaliga.

Dowladda Turkiga ayaa ku dhawaaqday in ay bilawday baaritaan sal-balaaran oo ay ku ogaanayso in ay jireen gaabisyo xagga tayada dhismayaasha ah iyo in dadka aan digniin badan la siinin.

Wasaaradda cadaalada ee Turkiga ayaa sheegtay in ay xabsiga dhigtay in ka badan 100 qandaraasle dhisme iyada oo lagu eedeeyay in ay wax ku dhiseen agab tayadoodu hooseyso.

Cunug yar ayaa laga soo saaray bur-burka dhismayaasha hoostooda kadib 152 saac oo ay socdeen hawlaha bad-baadinta iyo gurmadka, sidda ay muujiyeen sawirro ku faafay internet-ka.

Hay'adda Laanqeyrta Cas ayaa waxay daaha ka qaadey in ay sii wadayaan hawlaha qodista dhismayaasha bur-buray hoostooda inkasta oo ay aad u hooseyso rajada lagu heli karo dadka kale oo nool.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM