Tirada dhimashada dhul-gariirka Turkiga iyo Suuriya oo korortey

Image
Soomaaliya ayaa aduunka ugu qaylo-dhaamisay in ay gargaar ku garab-istaagaan labadan dal.

ANKARA, Turkey - Kooxaha samatabbixinta ayaa si waali ah u shaqaynaya kadib markii dhulgariir cabirkiisu dhan yahay 7.8 uu ku dhuftay koonfurta bari ee Turkiga iyo waqooyiga Suuriya, sida ay sheegtay Associated Press.

Sidda laga soo xigtey warbixintan wakaaladda wararka laga leeyahay Mareykanka, dhul-ruxankan ayaa waxa uu burburiyey dhismayaal waxaana ku dhintay in ka badan 4,000 oo qof

Saraakiisha Turkiga iyo Suuriya ayaa xusay inay filayaan in tirada dhimashadu ay kor u kacdo, iyagoo ugu baaqay dowladaha iyo hay’adaha caalamiga ah inay gargaar la soo gaaraan.

Wadamo badan, ayaa iyaguna u tartamay inay geeyaan kooxaha samatabbixinta, gargaar iyo qalab. Soomaaliya ayaa aduunka ugu qaylo-dhaamisay in ay gargaar ku garab-istaagaan labadan dal.

Dalka Turkiga oo kaliya, in ka badan 5,600 oo dhismo ayaa la burburiyay, sida ay daabacdey wakaaladda wararka ee Associated Press oo soo xigatay mas'uuliyiin maxali ah.

Afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay oo lagu magacaabo Stephane Dujarric ayaa xusay in 224 dhisme oo ku yaalla waqooyi-galbeed ee Suuriya ay burburiyeen ugu yaraan 325 kalena ay waxyeello soo gaartay, oo ay ku jiraan bakhaaro gargaar.

Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa ayaa halkaas bil kasta ka caawinaysay 2.7 milyan oo qof iyada oo loo marinayo dhalmada xudduudaha, taas oo hadda dhul-gariirka uu waxyeelo gaarsiiyey.

Dhul-gariirkii ugu horreeyay ee xoogganaa wuxuu dhacay ka hor waaberiga, habeen roobaad iyo baraf da'ay. Waxaa laga dareemay meelo fog fog sida Qaahira, Qubrus, Lubnaan iyo xitaa Greenland iyo Denmark wallow khasaaro jirin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo diiday inuu booqdo Israa’iil xili uu xumaaday xiriirkii kala dhaxeeyay Netanyahu 

Eldar ayaa intaas ku daray in tallaabadan ay calaamad u tahay isbeddel weyn oo ku yimid xiriirka taariikhiga ah ee Mareykanka iyo Israa’iil.

  • Caalamka

    15-05-2025

  • 04:47AM

Trump oo hurumarka ka muuqda Riyadh ku amaaney Maxamad Bin Salman

Trump wuxuu ku sheegey in horumarka ka muuqda Sacuudiga iyo magaalooyinka kale…

  • Caalamka

    14-05-2025

  • 12:06PM