Tirada dhimashada duqeymaha Israa'iil ee Gaza oo kordhay

Image
Xabad joojin iyo dhex-dhexaadin ay ku hawlan yihiin dowladaha gobolka ayaan wali miro-dhalin.

DOOXA, Qadar - Marinka go'doonsan ee magaaladda Gaza ee dhulka Yahuuda xoogga ku haysato ayaa waxaa ku socda duqeymaha ay halkaasi ay ka gaysanayaan diyaaradaha dagaalka ee ciidamadda Israel.

WasaaraDda caafimaadka ee Falastiin oo bayaan soo saartey ayaa ku dhawaaqday in tirada dhimashada tan iyo intii ay duqeymuhu bilawdeen ay yihiin 33 dhimasho ah.

Dhankooda, kooxaha iska caabinta ee Falastiiniyiinta ayaa sii wada gantaalaha ay ku ridayaan gudaha Israel iyada oo lasoo warinayo in khasaare kala duwan uu ka dhashay.

Magaalada Casqalaan ayaa laga maqlay gantaalaha dhawaqooda iyada oo tan iyo 2014 ay kooxaha iska caabinta ee Falastiiniyiintu ku guulaysteen in ay duqeeyaan meel kasta oo kamid ah gudaha Israel.

Xabad joojin iyo dhex-dhexaadin ay ku hawlan yihiin dowladaha gobolka ayaan wali miro-dhalin iyada oo ay sheegeen kooxaha iska caabinta ee Falastiiniyiintu in ay diyaar u yihiin dagaal muddo bilooyin ah socda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM

Warbixin: 7 Dhibaato oo la iska indhatiray oo laga yaabo inaadan ka warqabin 2025

Xaaladda bani’aadantinimo ee Soomaaliya ayaa sii xumaanaysa iyadoo abaaro, colaado iyo adeegyo bulsho oo daciif ah ay sababeen baahi weyn.

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 10:52AM