Tirada muhaajiriinta dhintay badaha caalamka tan iyo 2014-kii

Image
Hay’adda socdaalka adduunka ee IOM oo tirokoobkan sameysay ayaa ku baaqdey in la raadiyo xal degdeg ah.

ANKARA, Turkey - Ugu yaraan 5,909 muhaajiriin aan caadi ahayn ayaa dhintay sanadkii hore 2022 iyagoo raadinaya "nolol wanaagsan," sidda lagu caddeeyay warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay.

Warbixinta hay’adda socdaalka adduunka ee IOM ayaa lagu sheegay in 2,406 kamid ah tahriibayaasha ay ku dhinteen badda Mediterranean-ka, waxaana ku xiga Ameerika oo ay ku dhinteen 1,318 muhaajiriin ah.

Sidda ku xusan warbixintan oo la daabacay Arbacadii todobaadkan oo ku beegan shalay, waxaa ku xigtay Afrika oo ay ku dhinteen 1,000 iyo Yurub oo ay ku dhinteen 157.

"Galbeedka Aasiya, 93 muhaajiriin ah ayaa ku dhintay," ayay IOM ku caddeysay qeyb kamid ah warbixintan oo nuqul ahaan uu loo diray xafiisyadda wararka ee warbaahinta.

IOM waxay sheegtay in Mashruuceeda Muhaajiriinta maqan ee lagu tiriyo muhaajiriinta ku dhintay xudduudaha dibadda ee dawladaha, ama habka u haajiridda meel caalami ah, uu diiwaan-geliyey dhimashada 53,568 qof tan iyo 2014-kii.

Inta lagu jiro muddadan, Bartamaha Mediterranean-ka halkaas ayaa ugu yaraan 20,419 qof ay ku dhinteen tan iyo markii ay noqotay waddada ugu dhimashada badan.

Doonida, oo sababtay dhimashada 21,156 qof, ayaa noqotay sababta ugu badan ee dhimashada. "Meydadka 22,919 qof oo naftooda ku waayey tahriibka ayaan weli la soo saarin," ayaa lagu soo xiray qormada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo diiday inuu booqdo Israa’iil xili uu xumaaday xiriirkii kala dhaxeeyay Netanyahu 

Eldar ayaa intaas ku daray in tallaabadan ay calaamad u tahay isbeddel weyn oo ku yimid xiriirka taariikhiga ah ee Mareykanka iyo Israa’iil.

  • Caalamka

    15-05-2025

  • 04:47AM

Trump oo hurumarka ka muuqda Riyadh ku amaaney Maxamad Bin Salman

Trump wuxuu ku sheegey in horumarka ka muuqda Sacuudiga iyo magaalooyinka kale…

  • Caalamka

    14-05-2025

  • 12:06PM