Tirada saxafiyiinta 2021 ku dilay caalamka oo la shaaciyey

Image
Xog-uruurinta ayaa waxaa gacan ballaaran ka geysten ururka Wariyeyaasha Aan Xuduudda Lahayn.

WASHINGTON, USA - Isugeyn 45 wariye ah ayaa lagu dilay caalamka 2021-kii, sida uu Jimcadii sheegay ururka saxafiyiinta caalamiga ah ee IFJ. Tani waa "mid ka mid ah dhimashadii ugu yareyd" oo ay diiwaangeliso sanad kasta.

Xog-uruurinta oo ay gacan ka geysteen Wariyeyaasha Aan Xuduudda Lahayn oo loo yaqaan RSF ayaa sidoo kale waxay muujisay in tiradan ay tahay tii ugu hoosaysay abid tan iyo markii ay billowday 1995-kii.

"In kasta oo hoos u dhacan uu yahay war soo dhaweyn mudneyn, haddana waa raaxo yar marka laga hadlayo rabshadaha sii socda," ayay IFJ oo fadhigeedu yahay Brussels ku tir bayaan ay soo saartey.

Dhimashada waxaa ku jira sagaal ka mid ah wariyeyaasha Afgaanistaan, waana tirada ugu badan ee hal waddan. Dhinaca kale, siddeed ayaa ku dhintay Mexico, afar waxay ku dhinteen Hindiya iyo saddex Pakistan.

Xoghayaha Guud ee IFJ Anthony Bellanger ayaa ku nuux-nuux saday muhiimada ay leedahay taageerada ururkooda ee heshiiska Qaramada Midoobay ee ilaalinta saxafiyiinta si loo "xaqiijiyo isla xisaabtanka dilalka saxafiyiinta".

Tirokoobyada IFJ ayaa wax yar ka duwan kuwii ay soo saartay RSF, waxaana lagu sheegay 7 saxafi oo lagu dilay Mexico, lix ka mid ah ayaa lagu dilay Afgaanistaan, iyo afar wariye oo lagu dilay Yemen iyo India.

Beegsiga saxafiyiinta ayaa noqdey dhibaato caalami ah iyadda oo dalalka ay colaadaha ka jiraan sida Soomaaliya ay kamid yihiin meelaha ay ka jiraan dhibaatooyinka ugu waaweyn iyada oo dowladuhu ka gaabiyaan wax ka qabashadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Israel u Weerartey Suuriya Gaar Ahaan Magaalada Dimishiq?

Weerarkan ayaa yimid kadib markii ay ciidamada dowladda Suuriya galeen gobolka…

  • Caalamka

    16-07-2025

  • 09:18PM

Masar oo Soo Dhawaysay Balanqaadka Trump ee xalinta Khilaafka Webiga Nile

Madaxweynuhu wuxuu si kulul u dhaliilay mashruuca biyo-xireenka Itoobiya, isagoo xusay in uu xannibayo biyihii webiga Nile.

  • Caalamka

    16-07-2025

  • 06:51AM