Tirada saxafiyiinta 2021 ku dilay caalamka oo la shaaciyey

Image
Xog-uruurinta ayaa waxaa gacan ballaaran ka geysten ururka Wariyeyaasha Aan Xuduudda Lahayn.

WASHINGTON, USA - Isugeyn 45 wariye ah ayaa lagu dilay caalamka 2021-kii, sida uu Jimcadii sheegay ururka saxafiyiinta caalamiga ah ee IFJ. Tani waa "mid ka mid ah dhimashadii ugu yareyd" oo ay diiwaangeliso sanad kasta.

Xog-uruurinta oo ay gacan ka geysteen Wariyeyaasha Aan Xuduudda Lahayn oo loo yaqaan RSF ayaa sidoo kale waxay muujisay in tiradan ay tahay tii ugu hoosaysay abid tan iyo markii ay billowday 1995-kii.

"In kasta oo hoos u dhacan uu yahay war soo dhaweyn mudneyn, haddana waa raaxo yar marka laga hadlayo rabshadaha sii socda," ayay IFJ oo fadhigeedu yahay Brussels ku tir bayaan ay soo saartey.

Dhimashada waxaa ku jira sagaal ka mid ah wariyeyaasha Afgaanistaan, waana tirada ugu badan ee hal waddan. Dhinaca kale, siddeed ayaa ku dhintay Mexico, afar waxay ku dhinteen Hindiya iyo saddex Pakistan.

Xoghayaha Guud ee IFJ Anthony Bellanger ayaa ku nuux-nuux saday muhiimada ay leedahay taageerada ururkooda ee heshiiska Qaramada Midoobay ee ilaalinta saxafiyiinta si loo "xaqiijiyo isla xisaabtanka dilalka saxafiyiinta".

Tirokoobyada IFJ ayaa wax yar ka duwan kuwii ay soo saartay RSF, waxaana lagu sheegay 7 saxafi oo lagu dilay Mexico, lix ka mid ah ayaa lagu dilay Afgaanistaan, iyo afar wariye oo lagu dilay Yemen iyo India.

Beegsiga saxafiyiinta ayaa noqdey dhibaato caalami ah iyadda oo dalalka ay colaadaha ka jiraan sida Soomaaliya ay kamid yihiin meelaha ay ka jiraan dhibaatooyinka ugu waaweyn iyada oo dowladuhu ka gaabiyaan wax ka qabashadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ra’iisul Wasaaraha Britain oo wajahaya cadaadis sii xoogeysanaya, isagoo ka fiirsanaya iscasilaad

Starmer ayaa muddooyinkii dambe wajahaya hoos u dhac ku yimid taageeradiisa, qaladaad dhanka siyaasadda ah iyo fadeexado isa soo tarayay.

  • Caalamka

    21-06-2026

  • 03:26PM

Israel oo taliye sare iyo askar looga dilay weerar ka dhacay koonfurta Lubnaan

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa dhankeeda sheegtay in ugu yaraan 18 qof ay ku dhinteen duqeymo ay fuliyeen ciidamada Israel.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 12:11PM