Tirada saxafiyiinta ay Israa'iil ku dishay Gaza oo dhaaftay 106 ruux

Image
Madaxa xiriirka caalamiga ah ee Xamaas ayaa beesha caalamka ku dhaleeceeyay inay ku guuldareysteen inay joojiyaan "dagaalka xasuuqa ah".

DOOXA, Qadar - Wariye ka tirsan warbaahinta Al-Qudus, Jabr Abu Hadros iyo lix ka mid ah qoyskiisa ayaa lagu dilay duqeyn ay Israa’iil la beegsatay gurigiisa oo ku yaalla xerada qaxootiga ee Nuseirat ee bartamaha Gaza.

Sida laga soo xigtay Xafiiska Warbaahinta Dowladda ee Gaza, 106 Suxufi ayaa lagu dilay Gaza tan iyo markii uu dagaalka bilowday bishii October ee sanadkan 2023-ka.

Dhanka kale, madaxa xiriirka caalamiga ah ee Xamaas, Basem Naim, ayaa beesha caalamka ku dhaleeceeyay inay ku guuldareysteen inay joojiyaan "dagaalka xasuuqa ah" ee Gaza oo ay ku dhinteen in ka badan 21,000 oo qof.

"In kasta oo dambiyadan lagu sameeyay gacmaha Israa'iil, waxaa kafaala qaaday oo taageeray maamulka Mareykanka," ayuu ku yiri hadal laga sii daayay taleefishinka.

Wuxuu raaciyay: “Sidaas darteed, waxaanu kula xisaabtamaynaa maamulka Biden, gaar ahaan madaxweynaha (Joe Biden) laftiisa, iyo xoghayayaashiisa arrimaha dibadda iyo gaashaandhigga, doorka tooska ah ee ay ku leeyihiin taageeridda iyo abaabulka xasuuqan joogtada ah ee lagu hayo dadkeenna.

"Waxaan sidoo kale kula xisaabtameynaa beesha caalamka inay ku guuldareysteen inay joojiyaan xasuuqa," ayuu hadalkiisa sii raaciyay Nacim oo caalamka ku waaniyay in ay si degdeg ah usoo farageliyaan qadiydan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Hakiyey Weerar Lagu Qaadi Lahaa Iran Kadib Codsi uga Yimid Hoggaamiyeyaasha Khaliijka

Trump ayaa qoraal uu ku daabacay Truth Social ku sheegay in Amiirka Qatar, Tamim bin Hamad..

  • Caalamka

    18-05-2026

  • 09:12PM

Shiinaha oo Trump u sheegay in arrinta Taiwan ay labada dal u horseedi karto iska horimaad hubeysan

Katrina Yu oo ah weriyaha Al Jazeera ee magaalada Beijing ayaa sheegtay in fariinta rasmiga ah ee ka timid Shiinaha ay tahay in Beijing.

  • Caalamka

    14-05-2026

  • 01:52PM