Tirada saxafiyiinta ee sanadkan lagu dilay dunida oo la shaaciyey

Image
Qaaradda Afrika ayaa kaliya lagu dilay 7 todoba wariye halka Yurub lagu khaarijiyey 37 saxafi.

ANKARA, Turkey - Tirada saxafiyiinta la dilay sanadkan waa 115, waana koror 45% ah marka loo eego sanadkii hore, waana tiradii ugu badneyd ee la dilay tan iyo 2018, sidda ay sheegtay hay'adda PEC Arbacadii.

Sidoo kale, tiro dhan 533 suxufi, oo 13.4% ka sarreeya tiradii sannadkii hore, ayaa lagu xiray adduunka oo dhan marka loo eego tirokoobka sannadlaha ah ee xadgudubyada ka dhanka ah saxafiyiinta.

"Ukraine iyo Mexico ayaa ahaa wadamada ugu khatarta badan ee shaqada warbaahinta sanadkan," ayay PEC oo fadhigeedu yahay Geneva ayaa ku sheegtay warbixinteeda sanadlaha ah.

"Tirada suxufiyiinta la dilay waxay kordheen 45% marka loo eego sannadkii hore oo la khaarijiyey 79 saxafi. Waa tirada ugu badan ee dhaawacyada tan iyo 2018," ayay warbixinta ku dartey.

Latin America ayaa kaliya waxaa sanadkan lagu dilay 39 suxufi, waxaana ku xiga Yurub oo lagu dilay 37, Aasiya 30, Afrika oo 7 ah, iyo Waqooyiga Ameerika oo laba lagu dilay.

"Yurub waxay la kulantay sarre u kacii ugu darnaa ee dhanka amaanka saxafiyiinta tan iyo dagaaladii Yugoslavia hore ee 1992 ilaa 1999," ayay warbixinta intaas ku dartey.

RSF ayaa ku dartey: "Dhanka kale, Shiinaha oo faafreebka iyo dabagalka uu sii xoogeystay walina waa xabsiga ugu weyn adduunka ee suxufiyiinta, iyadoo wadar ahaan 110 ay hadda xiran yihiin".

"Iran oo ay hadda xabsi ku jiraan 47 saxafiyiin ayaa noqotay xabsiga saddexaad ee ugu weyn adduunka hal bil uun ka dib markii ay bilowdeen mudaaharaadyo waaweyn," ayay tibaaxdey.

Hay'adda RSF waxa ay sheegtay in sidoo kale aysan horay u arag haween badan oo saxafiyiin ah oo xabsiga ku jira. Wadar dhan 78 ayaa hadda maxbuus ah, waa kor u kac ku dhow 30% marka loo eego 2021-dii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirkadda AstraZeneca oo qirtay in talaalka Covid-19 uu keeni karo “xanuun cafimaad”

Talaalkan ayaa si weyn loogu qeybiyay gudaha Soomaaliya sanadkii 2021.

  • Caalamka

    02-05-2024

  • 07:41AM

Banaanbaxyo lagu taageerayo qaddiyada Falastiin oo gilgilay Mareykanka

Ugu yaraan 20 mudaaharaadayaal ah oo taageersan Falastiin ayaa xabsi loogu taxaabay isu-soo-baxyadan aawadeed.

  • Caalamka

    02-05-2024

  • 05:25AM