Tirada saxafiyiinta Falastiin ee ku jirta xabsiyada Yahuuda oo la shaaciyay

Image
Saxafiyad Rasha Hirzallah ayaa ahayd wariyihii ugu dambeeyay ee ay xireen ciidamadda Israa'iil.

DOOXA, Qadar - Wakaaladda wararka Falastiiniyiinta ee Wafa ayaa sheegtay in ciidamada Israa’iil ay xireen mid ka mid ah saxafiyiinteeda kaasoo magaceeda lagu sheegay inuu yahay Rasha Hirzallah.

Xariga ayaa yimid ka dib markii ay uga yeertay xabsi ku yaalla Ariel, oo ah deegaan sharci darro ah oo Israa’iil ay ku leedahay Daanta Galbeed ee la haysto, habeenkii Axadda.

Hirzallah ayaa xabsiga la tagtay qareen ka dib markii ay u yeertay sirdoonka Israel, kaasoo u sheegay in lagu hayn doono muddo 72 saacadood ah, sidda laga soo xigtay Wafa.

"Illaa waqti-xaadirkan, looma sheegin sababta loo xidhay iyo waxa lagu eedaynayo, haddii ay jiraan, ay wajaheyso," ayay Wakaaladda Wararka Wafa intaas kusii dartay.

Sikastaba ha ahaatee, waxaa jira 49 saxafi Falastiiniyiin ah oo waqti xaadirkan ku jira xabsiga gudaha Israel, sida ay sheegeen Ururka Maxaabiista Falastiiniyiinta.

Ugu yaraan 102 suxufi oo Falastiiniyiin ah iyo shaqaale warbaahineed ayaa la dilay tan iyo markii uu billowday dagaalka Israa’iil iyo Gaza bishii Oktoobar, sidda uu shaaca ka dhigay guddiga (CPJ).

GAROWE ONLINE

Related Articles

Militariga Mareykanka oo beeniyay sheegasho Iran ka soo baxday 

Iran ayaa marar badan ku andacootay weerarro ka dhan ah ciidamada Mareykanka ama xulafadiisa gobolka.

  • Caalamka

    04-05-2026

  • 12:15PM

Trump: Mareykanka wuxuu bilaabaya galbinta maraakiibta marinka Hormuz

Marinka Hormuz ayaa ah marin aad muhiim ugu ah ganacsiga caalamka, gaar ahaan dhoofinta shidaalka.

  • Caalamka

    04-05-2026

  • 09:30AM