Tirada saxafiyiinta lagu dilay Gaza oo kor-u-dhaaftey 100

Image
Sidoo kale, in ka badan 50 xafiis oo warbaahin ah ay gebi ahaan ama qayb ahaan ay burburiyeen weerarrada Israel.

DOOXA, Qadar - Mas'uuliyiinta Gaza ayaa ku dhawaaqay geerida Ahmad Jamal Al Madhoun oo ahaa agaasime ku xigeenkii wakaalada Al Rai kadib weerar dhanka cirka ah oo ay geysatay Israel.

Dhimashadiisa ayaa ka dhigaysa tirada guud ee suxufiyiinta lagu dilay Gaza tan iyo 7-dii Oktoobar ilaa 101, sida laga soo xigtay xafiiska warbaahinta ee xukuumadda Gaza.

Sidoo kale, in ka badan 50 xafiis oo warbaahin ah ay gebi ahaan ama qayb ahaan ay burburiyeen weerarrada Israel. Samer Abudaqa oo ahaa sawir qaade AlJazeera Carabi ayaa ku jira dadka dhintay.

Tim Dawson, oo ah ku xigeenka xoghayaha guud ee ururka caalamiga ah ee saxafiyiinta, ayaa Al Jazeera u sheegay in ay ka xun yihiin "tirada aadka u saraysa" ee saxafiyiinta lagu dilay Gaza.

Dawson oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu carabka ku adkeeyay in aynaan "aragnay dhimashada saxafiyiinta intan la eg ee ku nafwaayay iska-horimaad kasta oo aan ka fikiri karo".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kuuriyada Waqooyi oo diiday go’aan ka dhan ah barnaamijkeeda nukliyeerka

Wasaaradda ayaa Sabtidii sheegtay in Kuuriyada Waqooyi ay weligeed ahaan doonto quwad nukliyeer ah.

  • Caalamka

    19-09-2026

  • 05:18AM

Weerar lagu qaaday masaajid ku yaalla Pakistan oo dilay ugu yaraan 16 qof

Gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa lagu dhuftay afaafka masaajid ku dhex yaalla…

  • Caalamka

    18-09-2026

  • 11:52AM