Tirada xayawaanka Shabeelka ku nool Hindiya oo lasoo bandhigay

Image
Ra'iisul Wasaare Narendra Modi ayaa ku dhawaaqay tirokoobkan oo la sameeyay sanadkii 2022-dii.

NEW DELHI, Hindiya - Tirada xawaaynka Shabeelka ee ku nool Hindiya ayaa kor u kacday ilaa 3,167 sanadka 2022, sidda uu ku dhawaaqay Ra'iisul Wasaaraha dalkaas isaga oo soo xiganaya sahan cusub.

Narendra Modi oo ka hadlay Mysuru, magaalo ku taal koonfur-galbeed gobolka Karnataka, ayaa sidoo kale waxa uu daahfuray olole loogu magac-daray Isbahaysiga Caalamiga ah ee Bisadaha Waaweyn.

Ujeedada ugu weyn ee ka dambeysa IBCA waa in la ilaaliyo toddoba bisadood ee waaweyn kuwaasoo ay kamid yihiin uguna caansan yihiin Shabeelka iyo Haramcadka.

Marka loo eego xogta uu la wadaago ra'iisul wasaaraha, tirada shabeelku waxay soo martey mar-xalado; 1,411 (sanadkii 2006), 1,706 (2010), 2,226 (2014), 2,967 (2018), iyo 3,167 )sanadka 2022).

Wasiirka koowaad oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu carabka ku dhuftey in Hindiya ay hoy u tahay 75% shabeelka guud ahaan adduunka tan iyo markii ay xorriyadda qaateen 75-sano kahor.

"Haramcadka waxay dabar go'een Hindiya tobannaan sano ka hor. Bisadan weyn ee quruxda badan ayaanu India kaga keennay Namibia iyo Koonfur Afrika. Tani waa wareejintii ugu horreysay ee bisadda weyn ee ka gudubta qaaradaha,” ayuu yiri Modi.

Wuxuu raaciyey: "Hindiya waa waddan ilaalinta dabeecadda ay ka mid tahay dhaqanka. Ma aaminsanin khilaaf u dhexeeya deegaanka iyo dhaqaalaha, laakiin muhiimad waa wada noolaanshaha labada".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel oo taliye sare iyo askar looga dilay weerar ka dhacay koonfurta Lubnaan

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa dhankeeda sheegtay in ugu yaraan 18 qof ay ku dhinteen duqeymo ay fuliyeen ciidamada Israel.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 12:11PM

Wadahadalladii Iran iyo Mareykanka oo dib u dhacay kadib duqeyn Israa’iil ka fulisay Lubnaan

Wararka ayaa sheegay in askar iyo saraakiil looga dilay, loogana dhaawacay weerarka Xisbullah ku qaadey Ciidamada Israel ee koonfurta Lubnan.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 08:40AM