Tirokoobka geerida Gaza oo dhaafay dagaaladii Ukraine iyo Iraq

Image
Milatariga Israel ayaa waxa uuu dilay 1.1 boqolkiiba dadka Gaza tan iyo weeraradii Xamaas ee Oktoobar 7.

DOOXA, Qadar - Francesca Albanese ayaa ku eedaysay Israa’iil inay dishay qayb ka badan dadka ku nool Gaza, marka loo eego saamiga dadka lagu dilay dagaalladii Ukraine iyo Ciraaq.

Albanese oo qoraalkan soo dhigtay ciwaankeeda gaarka ah ee X(Twitter) ayaa ah ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan dhulka la haysto ee Falastiin,

Milatariga Israel ayaa waxa uuu dilay 1.1 boqolkiiba dadka Gaza tan iyo weeraradii Xamaas ee Oktoobar 7, sidda laga soo xigtay xogta ay daabacdey Albanese.

Tirada ayaa ka badan marka la barbardhigo 0.2 boqolkiiba iyo 0.8 boqolkiiba oo ah dadka lagu dilay dagaalladii ka dhacay wadamada kala ah Ukraine iyo Ciraaq.

"Ma jiro dagaal u dhigma qarnigan xitaa ku soo dhawaada ololaha xasuuqa [Israel] ee Gaza," ayay hadalkeeda kusoo gabagabeysay Albanese oo ku baaqdey in la joojiyo colaadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Belarus oo markii ugu horreysay booqasho ku tagay Kuuriyada Waqooyi

Booqashadan waxay daba socotaa casuumaad uu Kim Jong Un u fidiyay Lukashenko bishii September ee sanadkii hore.

  • Caalamka

    25-03-2026

  • 11:40AM

Bin Salmaan oo ku riixaya Trump sii wadista dagaalka Iiraan, iyadoo laga cabsi qabo khataraha gobolka

Waxaa jira walaac sii kordhaya oo ka dhex jira saraakiisha Mareykanka iyo Sacuudiga…

  • Caalamka

    24-03-2026

  • 04:57PM