Tirokoobka geerida Gaza oo dhaafay dagaaladii Ukraine iyo Iraq

Image
Milatariga Israel ayaa waxa uuu dilay 1.1 boqolkiiba dadka Gaza tan iyo weeraradii Xamaas ee Oktoobar 7.

DOOXA, Qadar - Francesca Albanese ayaa ku eedaysay Israa’iil inay dishay qayb ka badan dadka ku nool Gaza, marka loo eego saamiga dadka lagu dilay dagaalladii Ukraine iyo Ciraaq.

Albanese oo qoraalkan soo dhigtay ciwaankeeda gaarka ah ee X(Twitter) ayaa ah ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan dhulka la haysto ee Falastiin,

Milatariga Israel ayaa waxa uuu dilay 1.1 boqolkiiba dadka Gaza tan iyo weeraradii Xamaas ee Oktoobar 7, sidda laga soo xigtay xogta ay daabacdey Albanese.

Tirada ayaa ka badan marka la barbardhigo 0.2 boqolkiiba iyo 0.8 boqolkiiba oo ah dadka lagu dilay dagaalladii ka dhacay wadamada kala ah Ukraine iyo Ciraaq.

"Ma jiro dagaal u dhigma qarnigan xitaa ku soo dhawaada ololaha xasuuqa [Israel] ee Gaza," ayay hadalkeeda kusoo gabagabeysay Albanese oo ku baaqdey in la joojiyo colaadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM

Warbixin: 7 Dhibaato oo la iska indhatiray oo laga yaabo inaadan ka warqabin 2025

Xaaladda bani’aadantinimo ee Soomaaliya ayaa sii xumaanaysa iyadoo abaaro, colaado iyo adeegyo bulsho oo daciif ah ay sababeen baahi weyn.

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 10:52AM