Tobanaan qof oo ku dhintey roobab mahiigaan oo ka da'ay Pakistan

Image
Ra'iisul wasaaraha Pakistan, Shahbaz Sharif, ayaa Sabtidii muujiyay sida uu uga xun yahay khasaaraha nafeed.

ISLAMABAD, Pakistan - Roobab xooggan ayaa ku dhuftay gobollada waqooyi-galbeed ee waddanka Pakistan waxaana ka dhashay burburka guryo shacab ah in ay ku dhintaan ugu yaraan 25 qof kale oo badankooda ah dad rayid ah.

Degmooyinka Bannu, Lakki Marwat, iyo Karak ee gobolka Khyber Pakhtunkhwa ayuu Sabtidii ka da'ay roobkan, sidda uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan Hay'adda badbaadada Khateer Axmed.

"Ku dhowaad 145 qof oo kale ayaa ku dhaawacantay kadib markii geedo la rujiyay ay soo dumiyeen taawaradii korontada," ayuu hadalkiisa kusii daray sarkaalkan.

Saraakiisha ayaa ku howlan sidii gurmad deg deg ah loo gaarsiin lahaa dadka dhaawaca ah. Bishii hore, ilaa tobaneeyo qof, oo ay ku jiraan haween iyo carruur, ayaa ku dhintay kadib markii uu soo da'ay baraf aan caadi ahayn.

Ra'iisul wasaaraha Pakistan, Shahbaz Sharif, ayaa Sabtidii muujiyay sida uu uga xun yahay khasaaraha nafeed ee ka dhashay roobabka dabaysha watay, wuxuuna faray mas'uuliyiinta inay sare u qaadaan howlaha gargaarka.

Dhanka kale, Shariif ayaa waxa uu ku amray saraakiisha inay dejiyaan tallaabooyin deg-deg ah, iyadoo Duufaanta Biparjoy ay kusoo wajahan tahay Badda Carabta.

Sanadkii la soo dhaafay, Pakistan waxaa ka dhacay daadadkii ugu xumaa ee taariikhda dalkaas ka dhasha roobab mahiigaan ah. Waxay dileen ugu yaraan 1,739 qof, oo ay ku jiraan 647 carruur ah, waxayna saameeyeen 33 milyan oo qof.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM