Tobanaan qof oo lagu dilay toogasho ka dhacdey Iiraan

Image
Hal qof ayaa loo xiray falkan ay mas'uuliyadiisa dusha saaratay kooxda isku sheegta Dowlada Islaamka ee Daacish.

TEHRAN, Iran - 15 qof ayaa toogasho lagu dilay tobanaan kalena waa lagu dhaawacay weerar ka dhacay maqaaxida Shah Cheragh ee magaalada Shiraz ee dalka Iran, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Iran.

Wararkii ugu horeeyay ayaa sheegaya in saddex nin oo weerarka soo qaaday ay rasaas ku fureen xujeyda iyo shaqaalihii ku sugnaa afaafka hore ee Xaramka Shiicada, waxaana la sheegay in labo ruux ay boolisku xireen.

Laakiin madaxa garsoorka ee deegaanka ayaa sheegay in "hal argagixiso oo kaliya uu ku lug lahaa falkan". TV-ga dowladda ayaa sidoo kale sheegay in la xiray hal qof.

Kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka (IS) ayaa sheegtay in ay weerarkaas fuliyeen. Warbaahinta dowladda ayaa sidoo kale ku eedeysay in "argagixisada takfiirka" - oo ah calaamad Tehran ay u adeegsato mintidiinta Muslimiinta Sunniga ah sida IS - ay mas'uul ka ahaayeen.

Bishii Abriil, laba wadaad oo Shiico ah ayaa lagu dilay weerar mindi loo adeegsaday oo ka dhacay goob ay Shiicadu xushmeeyaan oo ku taal magaalada Mashhad ee waqooyi-bari.

Gacan ku dhiiglaha oo ay saraakiishu sheegeen in uu ahaa nin reer Uzbekistan oo ka soo jeeda Afgaanistaan ​​oo leh aragtiyo Sunni ah oo xagjir ah, ayaa la daldalay bishii June.

Ujeedkiisa si cad looma shaacin, balse wasiirka arrimaha gudaha ayaa xilligaas ku tilmaamay “Weerar Argagixiso” oo uu ku eedeeyay “Takfiir”.

Kooxda IS ayaa horey weeraro halis ah uga geysatay dalka Iran. Sannadkii 2017-kii, kooxdu waxay mas’uul ka ahayd laba qarax oo dhimasho iyo dhaawac sababay oo lala beegsaday dhismaha baarlamaanka iyo qabriga aasaasihii jamhuuriyadda Islaamiga ah Ayatullah Khumeyni.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ra’iisul Wasaaraha Britain oo wajahaya cadaadis sii xoogeysanaya, isagoo ka fiirsanaya iscasilaad

Starmer ayaa muddooyinkii dambe wajahaya hoos u dhac ku yimid taageeradiisa, qaladaad dhanka siyaasadda ah iyo fadeexado isa soo tarayay.

  • Caalamka

    21-06-2026

  • 03:26PM

Israel oo taliye sare iyo askar looga dilay weerar ka dhacay koonfurta Lubnaan

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa dhankeeda sheegtay in ugu yaraan 18 qof ay ku dhinteen duqeymo ay fuliyeen ciidamada Israel.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 12:11PM