Todoba askari oo lagu dilay weerar qarax loo adeegsadey

Image
Ma jirto koox sheegatay inay dilkaasi ka dambeysay, balse saraakiisha ayaa ku eedeeyay kooxda Daacish.

BAQDAAD, Ciraaq - Ugu yaraan todobo askari oo boolis ah ayaa lagu dilay weerar toos ah oo ka dhacay waqooyiga Ciraaq. Weerarka ayaa ka dhacay meel u dhow magaalada saliidda qaniga ku ah ee Kirkuk, oo qiyaastii 293km (182 miles) u jirta caasimadda Baqdaad Axaddii.

Ma jirto koox sheegatay inay dilkaasi ka dambeysay, balse saraakiisha ayaa ku eedeeyay kooxda Daacish. Koxoda waxay wali ka dagaalantaa qaybo kamid ah waddankaas.

Arbacadii, qarax waddada dhinaceeda lagu aasay ayaa saddex askari oo Ciraaqi ah ku dilay meel u dhow Baqdaad. ISIL ayaa sheegtay in ay qaraxaas aastay.

Weerarkii Axaddii ayaa bilowday markii qarax lala beegsaday gaari xamuul ah oo ay la socdeen booliska meel u dhow tuulada Chalal al-Matar, sida ay saraakiisha u sheegeen AFP.

IS ayaa mar haysatay 88,000 km² (34,000 sq miles) oo dhul ah oo ka bilaabmaya bariga Ciraaq ilaa galbeedka Suuriya waxayna xukunkeeda hoos imaanayey ku dhawaad ​​siddeed milyan oo qof.

Kooxda ayaa laga saaray dhulkoodii ugu dambeeyay 2019, laakiin Qaramada Midoobay ayaa ka digtay bishii Luulyo in ay weli tahay khatar joogto ah.

Waxaa lagu qiyaasaa inta u dhaxaysa 6,000 ilaa 10,000 oo dagaalyahano ah oo ku sugan Suuriya iyo Ciraaq, kuwaas oo inta badan saldhigyo ku leh dhulka miyiga ah, waxayna sii wadaan weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah, weeraro gaadmo ah iyo qaraxyo jidgooyo ah.

Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa ayaa warbixinta ku xustey in inkastoo "laga dilay hoggaanka sare", kooxdu ay awooday inay "ka faa'iidaysato daldaloolada amniga iyo xaaladaha ku habboon fidinta argagixisada si ay u qorto oo ay u abaabulaan oo ay u fuliyaan weerarro adag".

GAROWE ONLINE

Related Articles

In ka badan 160 qof oo weli la la’yahay kaddib fatahaado ka dhacay Texas

Biyaha xooggan ayaa si lama filaan ah u dhex maray xerada, iyadoo ay jiiteen guryaha jiingadaha ah ee dadka hurday.

  • Caalamka

    09-07-2025

  • 05:17AM

Madaxweyne Trump oo Sheegay in Maraykanka uu Wadahadallo la Yeelanayo Iran

Wadahadalladii lixaad ee u dhexeeyay Maraykanka iyo Iran ayaa loo qorsheeyay inay dhacaan 15-kii Juun.

  • Caalamka

    08-07-2025

  • 11:58AM