Toogasho dhimasho sababtay oo ka dhacdey Mareykanka

Image
Eedeysanaha oo 15-jir ah fasalka labaad ee dugsiga sare AH, ayaa xabsiga ku jira.

WASHINGTON, USA - Saddex qof ayaa ku dhintay siddeed kalena way ku dhaawacmeen toogasho Talaadadii ka dhacday dugsiga sare ee Oxford ee ku yaalla duleedka magaalada Detroit, sida ay masuuliyiintu sheegeen.

Eedeysanaha oo 15-jir ah fasalka labaad ee dugsiga sare AH, ayaa xabsiga ku jira, maamulaha degmada Oakland Michael McCabe ayaa shir jaraa’id ku sheegay. "Waxa kale oo la helay qori gacmeed," ayuu yidhi.

Saddexda qof ee la dilay ayaa dhammaantood loo malaynayaa inay arday ahaayeen, sida uu sheegay. Magacyadooda lama shaacin; McCabe ayaa ku tilmaamay inay ahaayeen wiil 16 jir ah, gabar 14 jir ah iyo gabar 17 jir ah.

8-da qof ee dhaawaca ah oo uu ku jiro macalin kamid ah bareyaasha iskuulka ayaa la sheegay in dhaawacyo kala duwan loo qaaday isbitaalada, sida ay sheegeen saraakiisha.

Labo ayaa qalliin lagu sameeyay galabnimadii Talaadada, xaaladdooduna ma cadda. Lixda kale ayaa xaaladooda caafimaad lagu tilmaamay mid xasiloon, sida ay saraakiishu sheegeen.

Isagoo ka hadlayay Talaadadii dugsiga farsamada ee Minnesota, Madaxweyne Joe Biden ayaa si tiiraanyo leh ugu tacsiyadeeyay qoysaska dadkooda ay wax ku noqdeen falkaas.

"Qalbigeygu wuxuu aad ula qiiroonayaa qoysaska u dulqaadanaya murugada aan la qiyaasi karin ee luminta dadka aan jecelnayn. Bulshadaas oo dhami waxay hadda ku jirtaa xaalad naxdin leh," ayuu hoosta ka xariiqay madaxweynaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

India oo lagu dhaleeceeyay ka "Aamusnaanta" weerarkii lagu dilay Ayatollah Ali Khamenei

Weerarkaas oo dhacay Sabtidii, ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhinteen 786 qof, kuwaas oo ay ku jiraan carruur dugsiyada dhiganaysay.

  • Caalamka

    03-03-2026

  • 07:45PM

Iran oo Duqeysay Safaaradda Mareykanka ee Riyadh

Wasaaradda Difaaca Sacuudiga ayaa sheegtay in laba drone ay ku dhaceen ama ku qarxeen…

  • Caalamka

    03-03-2026

  • 06:43AM