Toogasho ka dhacdey afaafka qunsulyada Mareykanka ee Jeddah

Image
Qunsuliyadda ku taal Jeddah ayaa sidoo kale waxaa lala beegsaday weerar sannadkii 2004-tii.

WASHINGTON, United States - Toogasho ka dhacday afaafka hore ee Qunsuliyadda Maraykanka ee magaalada dekedda leh ee Jeddah ee dalka Sacuudi Carabiya, ayaa waxaa ka dhashay dhimashadda illaa labo qof – waa waardiye u dhashay dalka Nepal iyo nin hubeysan oo markii hore rasaas furay.

Saraakiil ka kala tirsan Dowladda Mareykanka iyo Boqortooyadda Sacuudiga ayaa xaqiijiyay dhacdadan Arbacadii iyadoo ay socdaan baaritaano la xiriira weerarka.

Wakaaladda wararka Sacuudiga ee SPA, oo ah warbaahin dowladeed, ayaa ku warantay dhimashada waardiyaha, oo ka mid ahaa ilaalada gaarka ah ee qunsuliyadda.

Ma jiro muwaadiniin Maraykan ah oo ku dhaawacmay rasaasta, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka oo war-saxaafadeed kooban soo saartey.

Qunsuliyadda Maraykanka ee magaalada dekedda leh ee Badda Cas, oo ay ku nool yihiin in ka badan 4.7 milyan oo qof, ayaa hore loogu bartilmaameedsaday rabshado, oo uu ku jiro sannadkii 2016-kii.

Sannadkaas, shaqaalaha ammaanku waxay aqoonsadeen qof ka shakiyey meel u dhow goobta baabuurta la dhigto ee Isbitaalka Dr Suleymaan Faqiih, oo ka soo horjeeda waddada qunsuliyadda.

Qunsuliyadda ku taal Jeddah ayaa sidoo kale waxaa lala beegsaday weerar sannadkii 2004-tii, kaas oo ka dhashay shan qof oo dhismaha la soo galay qoryo iyo walxaha qarxa.

Afar ka mid ah ciidamada ammaanka Sacuudiga ayaa lagu dilay bannaanka qunsuliyadda iyo shan shaqaale oo ku sugnaa gudaha qunsuliyadda. Warbaahintu xiligaasi waxay sheegtay in 18 qof oo shaqaale iyo dal-ku-gal soo codsaday in muddo kooban la haystay ka hor inta aysan iman ciidamada Sucuudiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM