Toogasho ka dhacdey Jarmalka oo lagu dilay ugu yaraan labo qof

Image
Mid ka mid ah dadka dhintay ayaa isla goobta ku geeriyooday, kan kalena waxa uu ku dhintay markii dambe isbitaalka.

BERLIN, Germany - Labo qof ayaa lagu dilay toogasho ka dhacday warshadda Mercedes-Benz oo ku taalla Koonfur-galbeed ee Jarmalka, sidda Khamiista maanta ah ay ciidanka booliiska sheegeen.

Nin 53 jir ah ayaa soo galay hoolka wax soo saarka ee warshadda ku taal magaaladda Sindelfingen, wuxuuna furay rasaas aan kala sooc-lahayn, isagoo toogtay laba nin oo 44 jir ah.

Mid ka mid ah dadka dhintay ayaa isla goobta ku geeriyooday, kan kalena waxa uu ku dhintay markii dambe isbitaalka. "Cid kale oo wax ku noqotay ma jirto," ayay booliska raaciyeen.

Ciidamada amaanka ayaa xabsiga dhigay eedaysanaha kaasoo isku-dhiibay askarta gacanta ku soo dhigtay iyaga oo aan iska caabin kala kulmin, sida ay booliisku sheegeen.

Dhacdadan ayaa lasoo wariyay abaare 07:45 wakhtiga maxaliga ah (05:45 GMT). Booliska magaalada Ludwigsburg ayaa sheegay in ay baaritaan ku bilaabeen qaabka ay wax u dhaceen.

Shirkadda Mercedes-Benz ayaa waxay soo saartaa baabuurta nooca raaxada gaar ahaan noocii ugu dambeeyay ee lagu magacaabo S-Class, waxaana ka shaqeeyaan ilaa 35,000 oo qof.

Jarmalka ayaa waxa uu leeyahay qaar ka mid ah sharciyada ugu adag ee hubka qaaradda Yurub waxayna saraakiisha ammaanka ay sheegeen inay qorsheynayaan inay sii adkeeyaan bilooyinka soo aadan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM