Toogasho ka dhacdey Mareykanka oo galaafatay todoba ruux

Image
Waa dil wadareedkii labaad oo saddex maalmood gudahiisa laga soo wariyo Ameerika.

NEW YORK, United States - Nin hubeysan ayaa dilay todobo qof ka hor inta aan lagu xirin California ee Mareykanka Isniintii, sidda laga soo xigtey warbaahinta maxaliga ah iyo mas'uuliyiin dhanka ammaanka ah.

Toogashadan ayaa kusoo hagaagaysa labo maalmood uun ka dib markii dil-wadareed ay ku dhinteen 11 qof AY ka dhacay hoolka qoob ka ciyaarka ee caanka ah.

Weeraradan ayaa ka dhacay labo goobood oo kala duwan oo ku yaal magaalada xeebta ah ee Half Moon Bay, oo qiyaastii 30 mayl (50 km) koonfurta kaga beegan magaalada San Francisco.

Dableyga falka geystay ayaa, sidda laga soo xigtey taliska booliska, waxaa magaciisa lagu sheegay Zhao Chunli, oo 67 jir ah, kana mid ahaa dadka deegaanka.

Toogashada waxay ku soo beegantay iyadoo gobolku uu U baroor diiqayo dad kasoo wada Aasiya kuwaasoo la dilay iyaga oo u dabaal-dagaya sanadka cusub ee Shiinaha.

Tuhmanaha ayaa Isniintii waxaa duubey kaamirooyinka qarsoon isaga oo isku soo dhiibaya taliska booliska San Mateo qiyaastii laba saacadood ka dib weerarka.

Afartii dhibane ee ugu horreeyay waxaa laga helay beer abbaare 14:22 waqtiga maxalliga ah (00:22GMT) ee gobolka, halka saddexda kalena markii dambe laga helay goob ganacsi oo ay ku badan yihiin baabuurta xamuulka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM