Trump Oo Amar Ku Bixiyey In La Maxkamadeeyo Suxufiyiin Ka Tirsan The New York Times Kaddib Warbixin Ku Saabsan Diyaaraddiisa Cusub
WASHINGTON – Maamulka Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa qaaday tallaabo cusub oo dhalisay dood xooggan, kaddib markii amarro maxkamadeed (subpoenas) loo diray dhowr suxufi oo ka tirsan wargeyska The New York Times, kuwaas oo lagu amrayo inay hortagaan guddi baaritaan oo federaal ah.
Tallaabadan ayaa timid maalmo uun kaddib markii wargeysku daabacay warbixin ka hadleysay walaacyo dhinaca amniga ah oo la xiriira diyaaradda cusub ee Air Force One ee uu Qatar ugu deeqay Madaxweyne Trump.
Sida wararku sheegayaan, qaar ka mid ah suxufiyiinta ayaa amarada maxkamadeed loogu geeyay guryahooda, iyadoo ay wateen wakiillo ka tirsan hay’adaha federaalka. Amaradaasi waxay farayaan suxufiyiinta inay Arbacada hortagaan guddi baaritaan oo federaal ah oo ku sugan Manhattan, New York.
Wargeyska The New York Times ayaa si adag uga horyimid tallaabada maamulka, isagoo ku tilmaamay mid halis ku ah xorriyadda saxaafadda. Qareenka sare ee wargeyska, David McCraw, ayaa sheegay in in saraakiisha federaalku ay albaabbada u garaacaan guryaha suxufiyiinta ay tahay arrin ka hor imaaneysa mabaadi’da Dastuurka Mareykanka iyo xorriyadda saxaafadda.
McCraw ayaa xusay in shaqada suxufiyiintu ay tahay soo gudbinta xaqiiqooyinka si shacabka Mareykanku u ogaadaan sida dowladdoodu u shaqeyso iyo sida loo maareeyo lacagta canshuur-bixiyeyaasha. Wuxuu ku eedeeyay maamulka Trump inuu isku dayayo inuu cabsi geliyo warbaahinta si loo yareeyo xogta ay helaan shacabka.
Amarka maxkamadeed ayaan faahfaahin badan bixin, waxaana uu kaliya sheegayaa in suxufiyiintu looga baahan yahay inay markhaati ka bixiyaan baaritaan la xiriira “xadgudub lagu tuhunsan yahay oo ka dhan ah sharciga dambiyada federaalka.”
Amarka waxaa soo saaray Jay Clayton, oo ah Xeer Ilaaliyaha Federaalka ee Manhattan, kaas oo Madaxweyne Trump uu dhowaan u magacaabay xilka Agaasimaha Sirdoonka Qaranka ee Mareykanka.
Arrintan ayaa la filayaa inay sii huriso doodda ku saabsan xiriirka u dhexeeya maamulka Trump iyo warbaahinta, gaar ahaan doorka ay saxaafaddu ku leedahay isla xisaabtanka dowladda iyo ilaalinta xorriyadda hadalka.
GAROWE ONLINE