Trump oo dalbaday in la yareeyo duqeymaha Lubnaan, xilli wadahadallo la filayo

Image

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu la hadlay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, isla markaana uu ka codsaday in la yareeyo duqeymaha ka socda Lubnaan. Trump wuxuu sheegay in Netanyahu uu u xaqiijiyey in howlgallada la dejin doono oo la dhimayo.

Trump ayaa hadalkan sheegay Khamiistii, xilli uu wareysi kooban siiyey NBC News, isagoo xusay in xaaladda loo baahan yahay in si deggan oo taxaddar leh loo wajaho.

Dhanka kale, Trump wuxuu horey u shaaciyey xabbad-joojin laba toddobaad ah oo u dhaxeysa Mareykanka iyo Iran, kadib dagaal muddo bil ka badan socday oo ku fiday guud ahaan gobolka.

Waxaa la filayaa in wafdiyo ka kala socda Mareykanka iyo Iran ay Sabtida ku kulmaan magaalada Islamabad ee Pakistan, si ay u bilaabaan wadahadallo lagu doonayo in si rasmi ah loo soo afjaro colaadda. Trump wuxuu muujiyey rajo weyn oo ku aaddan in heshiis nabadeed la gaari doono.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay in hoggaanka Iran ay si ka dabacsan oo macquul ah u hadlaan marka ay ku jiraan wadahadallo rasmi ah, marka loo eego hadallada ay warbaahinta siiyaan.

Si kastaba, Trump wuxuu uga digay in haddii heshiis la gaari waayo, ay jiri karto cawaaqib adag.

Dhanka kale, ciidamada Israa’iil ayaa kordhiyey weerarrada ka socda Lubnaan, inkastoo uu jiro dadaal lagu doonayo xabbad-joojin. Duqeymo culus ayaa la sheegay inay dhaceen, taasoo keentay khasaare ballaaran oo dhimasho iyo dhaawac leh.

Xaaladda sii cakiran ayaa sare u qaaday walaaca laga qabo in Israa’iil ay dib u ballaariso howlgalladeeda koonfurta Lubnaan, iyadoo laga yaabo inay gaaraan ilaa webiga Litani.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Mojtaba Khamenei: "Mareykanka waa ka adkaannay, shacabka Iiraanna ha midoobaan"

Cadawga marka ay ku fashilmaan yoolalkooda, waxay doonayaan inay gudaha ka abuuraan fowdo iyo kala qaybsanaan.

  • Caalamka

    04-06-2026

  • 08:41AM

Dibadbaxyo ka socda Albania oo ka dhan ah mashruuc dalxiis oo lala xiriirinayo Jared Kushner

Mashruucan oo lagu qiyaasay $4 bilyan ayaa la sheegay inuu ku fidi doono qiyaastii 250 hektar oo ka tirsan deegaanka xeebaha la ilaaliyo.

  • Caalamka

    02-06-2026

  • 02:55PM