Trump oo Diiday Ballaarinta Gacan-ku-haynta Israa’iil ee Dhulka Falastiin
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa ka soo horjeestay qorshe kasta oo ay Israa’iil ku doonayso inay ku darsato dhulkeeda Daanta Galbeed ee la haysto, sida uu shaaciyey sarkaal ka tirsan Aqalka Cad.
Sarkaalkaasi wuxuu sheegay in xasilloonida Daanta Galbeed ay muhiim u tahay amniga Israa’iil, isla markaana ay la jaanqaadayso himilada maamulka Washington ee ku aaddan in nabad waarta laga hirgeliyo Bariga Dhexe. Hadalkan ayaa la sheegay inuu yimid Isniintii, sida ay werisay wakaaladda wararka ee Reuters.
Arrintan ayaa soo baxday xilli caro iyo cambaareyn caalami ah ay ka dhasheen tallaabooyin cusub oo ay ku dhawaaqeen mas’uuliyiin sare oo Israa’iili ah, gaar ahaan wasiirka maaliyadda ee garabka midigta fog, Bezalel Smotrich, iyo wasiirka difaaca, Israel Katz. Labadan masuul ayaa ku dhawaaqay qorshayaal ballaarinaya gacan-ku-haynta Israa’iil ee dhulka Falastiiniyiinta, isla markaana fududeynaya in Israa’iiliyiintu dhul ka iibsadaan ama ka qabsadaan si loo dhiso degsiimooyin cusub—kuwaas oo sharci-darro ka ah marka loo eego sharciga caalamiga ah.
Siddeed dal oo Muslimiin u badan yihiin ayaa si wadajir ah u cambaareeyey go’aankaas, iyagoo ku tilmaamay tallaabo sharci-darro ah oo lagu doonayo in lagu xaqiijiyo maamul iyo madax-bannaani ay Israa’iil si keligeed ah ugu soo rogayso dhulka Falastiiniyiinta. Dalalkaasi waxay kala yihiin: Masar, Indonesia, Urdun, Pakistan, Qadar, Sacuudi Carabiya, Turkiga, iyo Imaaraadka Carabta.
Bayaankooda waxay ku sheegeen in tallaabooyinkani xoojinayaan dhismaha degsiimooyinka, isla markaana abuurayaan xaalad sharci iyo maamul oo cusub oo lagu dardargelinayo qorshaha ku darsashada sharci-darrada ah, laguna barakicinayo shacabka Falastiin.
Sidoo kale, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, iyo dalal ay ka mid yihiin Boqortooyada Ingiriiska iyo Spain, ayaa ku biiray cambaareynta. Qaramada Midoobay waxay sheegtay in ficillada Israa’iil ay wiiqayaan xasilloonida, isla markaana dhaawacayaan rajada xal laba-dowladood ah.
Dowladda Ingiriiska ayaa ugu baaqday Israa’iil inay ka laabato go’aamadaas, iyadoo ku tilmaantay isku day kasta oo hal-dhinac ah oo lagu beddelayo juqraafi ahaan ama demoqraafi ahaan dhulka Falastiin mid gebi ahaanba aan la aqbali karin, kana hor imaanaya sharciga caalamiga ah.
GAROWE ONLINE