Trump oo Hakiyey Weerar Lagu Qaadi Lahaa Iran Kadib Codsi uga Yimid Hoggaamiyeyaasha Khaliijka

Image

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in dowladda Mareykanka ay hakisay weerar militari oo la qorsheeyey in Talaadada lagu qaado dalka Iran, kadib codsiyo uga yimid hoggaamiyeyaasha Qatar, Sucuudiga  iyo Imaaraadka. 

Trump ayaa qoraal uu ku daabacay Truth Social ku sheegay in Amiirka Qatar, Tamim bin Hamad Al Thani, Dhaxal-sugaha Sacuudiga Mohammed bin Salman Al Saud, iyo Madaxweynaha Imaaraadka Mohamed bin Zayed Al Nahyan ay ka codsadeen in la hakiyo weerarka iyadoo ay socdaan “wadahadallo culus” oo ku saabsan xiisadda gobolka.

Trump ayaa sidoo kale sheegay inuu faray Wasiirka Difaaca Pete Hegseth, Taliyaha Ciidamada Mareykanka General Daniel Caine iyo militariga Mareykanka in aan la fulin weerarka qorsheysnaa, balse ciidamada loo diyaariyo weerar ballaaran haddii heshiis la gaari waayo.

Dhanka kale, warar kasoo baxaya Iran ayaa sheegaya in nidaamyada difaaca cirka laga hawlgeliyey jasiiradda Qeshm Island iyo agagaarka marin-biyoodka muhiimka ah ee Strait of Hormuz, xilli xiisadda gobolka ay sare u kacday.

Related Articles

Doorashada Israa’iil: Natiijo aan weli caddayn iyo loollan ku saabsan dhismaha dowladda

Benjamin Netanyahu oo hadda u muuqda in laga adkaaday wuxuu ra’iisul wasaaraha Israa’iil soo noqday muddo ku dhow 19 sano guud ahaan.

  • Caalamka

    28-10-2026

  • 05:02AM

Jay Clayton: Iran waxay diyaarisay qorshayaal ay ku beegsanayso ciidamada Mareykanka ee Bariga Dhexe

Warbixintan ayaa imaanaysa iyadoo hore loo soo tebiyay tallaabooyin amni oo la xiriira joogitaanka Mareykanka ee gobolka.

  • Caalamka

    25-10-2026

  • 05:45AM