Trump oo hawada kusoo laabtay kadib coddeyn loo qabtay

Image
Talaabada lagu fasaxay Trump ayaa kusoo aadaysa xilli xasaasi ah oo uu dhowaan isu sharaxay in uu u tartamo xilka madaxweynenimada.

MUQDISHO, Soomaaliya - Maamulaha ee Twitter-ka Elon Musk ayaa ku dhowaaqay in la fasaxay ciwaankii Donald Trump ee Twitter-ka kadib markii uu cod galiyay arrinkaasi, codkiina wax ka badan 50% ay ogolaadeen in Trump loo fasoxo ciwaankiisa.

15 milyan oo qof oo Twitter-ka isticmaasha ayaa codeynta ka qeybqaadatay, wax ka badan kala barna waxa ay u codeeyeen in ciwaanka Trump la fasoxo sida uu sheegay Musk.

Shirkadda Twitter-ka ayaa sanadkii hore gebi ahaanba xirtay ciwaanka Trump, kadib markii uu soo dhigay farriimo loo arkay in uu ku dhiirogalinayo dadweynihii weerarka ku qaaday fadhiga Golaha Baarlamaanka Maraykanka ee Capital Hill bishii Janaayo 2021-dii.

Trump oo todobaadyo ka hor ka hadlay in xayiraadda laga qaadi rabo , ayaa sheegay in uu soo dhoweynayo talaabada Musk uu damacsanyahay, balse uu isaga doorbidayo in uu sii isticmaalo bartiisa gaarka ah ee Truth oo ah bar bulsho oo hawada ku jirta, halkaasna uu ku gudbiyo aragtidiisa.

Talaabada lagu fasaxay Trump ayaa kusoo aadaysa xilli xasaasi ah oo uu dhowaan isu sharaxay in uu u tartamo xilka madaxweynenimada Maraykanka markale, inkasta oo markani ay yaryihiin fursadihiisa dib u doorashada xilli xisbiga Jamhuuriga Maraykanka aysan aad ula dhacsanayn shaqsiyadiisa.

Markii laga xirayay ciwaanka, waxaa ku xirnayd wax ka badan 90 milyan oo qof, marka uu wax soo dhiganaya waxa uu samayn jirey saamayn culus oo dhalisa hadal hayn, isaga oo marar badan soo bandhigi jirey aragtiyo muran weyn dhaliya.

Mar shalay Trump wax laga weeydiiyay aragtidiisa ku aaddan Twitter iyo mulkiilaha cusub Elon Musk, ayuu su’aal ka keenay in shirkadda ay ka badbaadi doonto qalalaasaha iyo dhibaatooyinka hadda haysta.

Trump ayaa weli ka mamnuucan baraha Facebook iyo Youtube, balse waxaa lagu wadaa sanadka soo socda biloowgiisa laga qaado mamnuucistaasi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sacuudiga oo ka digay Shirkadaha Xajka ee bixiya dukumentiyo been abuur ah

Wasaaradda Arrimaha Xajka iyo Cumrada Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa degniintan soo saaray.

  • Caalamka

    27-04-2024

  • 07:47AM

Wasiirka amniga xagjirka ah ee Israa'iil oo ku dhaawacmay shil baabuur

Ben-Gvir ayaa si weyn waxaa loogu yaqaanaa hadalo naceyb ka dhan ah shacabka Falastiin.

  • Caalamka

    27-04-2024

  • 04:27AM