Trump oo sheegay in aalada TikTok ay helis ku tahay Amniga Maraykanka

Image
Trump ayaa ka hadlay saameynta TikTok uu ku leeyahay dhalinyarada & Caruurta.

Washington (GO) - Musharaxa madaxtinimada Mareykanka Donald Trump ayaa maanta sheegay in aaldda TikTok ay khatar ku tahay Amniga qaranka Mareykanka, isagoo intaa ku daray in xayiraad walba oo lagu soo rogo ay dhibaato u geysan doonto qaar ka mid ah carruurta, ayna xoojin doonto barta Facebook oo aad u dhaliilay.

Trump ayaa wareysi siiyay CNBC ayaa yiri: "Ma eegayo inaan labanlaabo xajmiga Facebook, haddii aad mamnuucdo TikTok, inta badan Facebook ayaa faa'iido u leh, waana bar lagu faafiyo Dacaayad & been."

Trump ayaa sidoo kale sheegay in mamnuucida TikTok ay saameyn karto dhalinyarada, : "Waxaa jira caruur badan oo yaryar oo waalan lahaa TikTok la'aantiis, waxaa uu leeyahay waxyaabo badan oo wanaagsan, dhinacna Saameeyn xun ka leeyahay."

Waxaa xusid mudan in Aqalka Congress-ka u codeeyn doono berri sharci siinaya Shirkadda leh mulkiyadda TikTok “ByteDance” waqti kooban oo ay ku iibinayso aaladdan oo ay isticmaalaan 170 milyan oo Maraykan ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM