Trump oo sheegay in dunidu ay qarka u saaran tahay dagaalkii 3-aad ee adduunka

Image
Trump ayaa u qabtay Biden mas'uuliyadda weerarka lagu dilay askar Maraykan ah.

Washington (GO) - Madaxwaynihii hore ee Maraykanka Donald Trump ayaa qoraal ka soo saaray weerarkii lala beegsaday saldhig ay Maraykanku leeyihiin, kaasoo sababay dhimashada 3 ka mid ah ciidamada Maraykanka iyo dhaawaca kuwo kale.

Trump ayaa bayaan uu soo saaray ku yiri: “Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoysaska askartii geesiyaasha ahaa ee naga dhintay."

Trump ayaa u qabtay ninka ay isku hayaan doorashada madaxtinimada, Joe Biden, mas'uuliyadda weerarka, isagoo yiri: "Weerarkan cad ee Mareykanka lagu qaaday waa natiijo kale oo ka dhalatay daciifnimada Joe Biden"

Waxa uu intaasi ku daray “Saddex sano ka hor Iran waxa ay ahayd dal daciif ah, oo si buuxda gacanta loogu hayo, taas oo ay ku timid siyaasaddii cadaadiska ahayd ee lagu kala dhantaalay taliska Iran, maamulka Iran waxa uu awoodi waayay xilligaas in uu ururiyo laba dollar oo ku maalgeliyo wakiilladooda argagixisada ah”.

Trump oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri: "Kadibna Joe Biden ayaa yimid oo Iran siiyey balaayiin doolar, taasoo talisku u isticmaalay inuu dhiig ku daadiyo oo uu xasuuq ka geysto bariga dhexe oo dhan."

Madaxweynihii hore ee Mareykanka ayaa sidoo kale xaqiijiyay in dunidu ay qarka u saaran tahay dagaalkii 3-aad ee Adduunka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran Oo U Ogolaatay Maraakiibta Malaysia Inay Ka Gudbaan Marinka Hormuz

Ra’iisul wasaaruhu ma uusan faahfaahin tirada maraakiibta ka gudubtay marinka, ama shuruudaha lagu siiyay marin ammaan ah.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:54AM

Trump Oo Ka Fikiraya Inuu 10,000 Askari Kale U Diro Bariga Dhexe

Warbixinno ayaa tilmaamaya in ciidamada dheeraadka ah ay taageeri karaan difaaca saldhigyada Mareykanka.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:36AM