Trump oo sheegay inuu tallaabo adag ka qaadi doono Yurup hadii dib loo doorto

Image

WASHINGTON - Madaxweynihii hore ee Mareykanka Trump ayaa sheegay mar uu wareysi siinayay "Fox News", in Mareykanka uu culeys ka saaranyahay caawinta Ukraine. Wuxuu intaas ku daray in ay bixiyaan gargaarka, iyaga oo aan wax halis ah uga imaan karin dagaalka socda, maadaama ay badweynta ka xigto.

Waxa uu sidoo kale xaqiijiyay in marka uu ku laabto Aqalka Cad, uu ku qasbi doono wadamada Yurub inay bixiyaan wixii uu Mareykanka ka siiyay Ukraine, haddii aysan ka badnayn.

Waxa uu sheegay in mudnaanta koowaad haddii uu noqdo madaxweynaha 2024 uu siin doono hubinta in Yurub ay bixiso lacago badan oo lagu maalgelinayo xoojinta difaaca Ukraine, halkii uu Mareykanku kaligiis qaadi lahaa kharashka.

Trump ayaa yiri "muhiimada koowaad waa lacagta,, waxaan u sheegi doonaa Yurub, lacagta aad bixisaan waxaa ku darataan $100 bilyan".

Waxa uu tixgeliyey in waxa Yurub ay ku maalgelinayaan dagaalka ay aad u yar yihiin marka loo eego waxa Maraykanku bixiyo. Waxa uuna waydiiyay, "Maxaynu u bixinaa 150 bilyan oo doollar halka ay iyagu (Yurub) bixiyaan 20 bilyan?".

Waxa uu sidoo kale sheegay in Yurub aysan sheega karin dhaqaale yari, maadaama dhaqaalaha Yurub uu la mid yahay kan Mareykanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM