Trump oo si rasmi ah u taageeray ololaha doorashada Benjamin Netanyahu
WASHINGTON - Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa si rasmi ah u taageeray ololaha doorashada ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, kaddib markii uu horay uga gaabsaday inuu taageero musharrax kasta.
Trump ayaa Axaddii qoraal uu ku daabacay bartiisa Truth Social ku ammaanay Netanyahu, isaga oo ku tilmaamay “ra’iisul wasaare dagaalyahan weyn ah iyo saaxiib nabadeed oo intaas ka sii wanaagsan.”
Madaxweynaha Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in Iiraan si nidaamsan looga burburiyay dhinacyada milatari iyo dhaqaale, isaga oo uga digay in haddii aysan beddelin siyaasaddeeda, Mareykanku uu dhowaan soo afjari doono hawshaas.
“Haddii Israa’iil ay yeelato hoggaamiye khaldan, kaas oo noqon kara qof kasta oo aan ahayn Bibi, Mareykanka ayaa ku qasbanaan doona inuu hawshan isagu qabto, mana doonayo inaan sidaas sameeyo,” ayuu Trump qoray, isaga oo adeegsanaya naanaysta Netanyahu ee Bibi.
Trump ayaa intaas ku daray in Netanyahu uu muujiyay adkaysi, geesinimo iyo karti, inkasta oo uu wajahayo mucaaradad xooggan, oo ay ku jirto mid gudaha Israa’iil ka jirta.
Waxa uu sheegay in dad badan ay u adkeysan kari waayeen cadaadiska uu Netanyahu la kulmay, balse ra’iisul wasaaraha Israa’iil uu halkii uu ka daciifi lahaa uu sii xoogaystay.
Trump ayaa taageeradiisa ku sababeeyay in Mareykanku u baahan yahay hoggaan Israa’iil ah oo la jaanqaada danaha iyo iskaashiga labada dal.
“Fadlan qoraalkan ha noqdo mid muujinaya taageeradayda buuxda ee Benjamin Netanyahu doorashadiisa soo socota ee ra’iisul wasaaraha Israa’iil. Bibi Netanyahu waligiin idinma niyad-jabin doono,” ayuu Trump ku soo gabagabeeyay qoraalkiisa.
Taageerada Trump ayaa timid xilli Netanyahu uu wajahayo tartan siyaasadeed oo ku saabsan sii joogista xilka ra’iisul wasaaraha, iyadoo xiriirka dhow ee uu la leeyahay Washington uu ka mid yahay arrimaha muhiimka u ah siyaasadda Israa’iil.
Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC) ayaa 21-kii Nofembar 2024 soo saartay amar rasmi ah oo lagu soo xirayo Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu.
Maxkamadda ayaa sidoo kale waaran kan la mid ah u soo saartay Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Israa'iil Yoav Gallant.
ICC ayaa sheegtay inay geysteen dembiyo dagaal iyo dambiyo ka dhan ah aadamaha oo laga geystay Marinka Gaza, oo Israel ku dishay dadka rayidka ah ee gaaraya ku dhawaad 75,000 oo qof oo carruur u badan.
GAROWE ONLINE