Garsoore Mareykan ah oo soo farageliyay kiiska baaritaanka Ilhaan Cumar
WASHINGTON — Garsoore federaal ah oo ku sugan magaalada Washington ayaa xaddiday awoodda Wasaaradda Caddaaladda Mareykanka ay ku baari karto dukumentiyo laga qaaday guriga xildhibaanadda Xisbiga Dimuqraadiga Ilhaan Cumar, kuwaas oo lala xiriirinayo baaritaan ku saabsan xogteeda socdaalka iyo qaadashada jinsiyadda Mareykanka.
Sida ay CNN baahisay, garsoore Matthew Sharbaugh ayaa Wasaaradda Caddaaladda ku amray inay dejiso hannaan gaar ah oo lagu kala shaandheeyo dukumentiyada la qabtay, si loo ilaaliyo agabka la xiriira shaqada sharci-dejinta ee Ilhaan Cumar.
Dukumentiyada la xiriira waajibaadka rasmiga ah ee xildhibaannada ayaa yeelan kara ilaalin dastuuri ah oo ku saleysan qodobka loo yaqaan Speech or Debate Clause, kaas oo xildhibaannada ka ilaaliya tallaabooyin sharciyeed oo gaar ah oo la xiriira hawlahooda sharci-dejinta.
CNN ayaa sheegtay in Wasaaradda Caddaaladdu ay dooneysay awood ballaaran oo ay ku baarto dukumentiyada laga qaaday guriga Ilhaan Cumar, balse garsooruhu uu ku adkeystay in marka hore la kala saaro agabka ay ilaalinayaan xuquuqaha dastuuriga ah iyo dukumentiyada kale ee baaritaanka khuseeya.
Hannaankan ayaa dib u dhigi kara baaritaanka, maadaama dukumentiyada loo baahan yahay in marka hore la baaro si loo hubiyo in kooxda baaritaanka loo gudbinayo oo keliya agabka loo oggol yahay inay aragto.
Baaritaanku wuxuu la xiriiraa tuhunno ku saabsan in xog aan sax ahayn laga bixiyay dukumentiyada dowladda xilligii Ilhaan Cumar ay qaadanaysay jinsiyadda Mareykanka sannadkii 2000. Sida ay CNN sheegtay, baarayaashu waxay sidoo kale eegayaan suurtagalnimada in xogta da'deeda si khaldan loo sheegay. Ilhaan Cumar ayaa beenisay inay wax khalad ah samaysay.
Xildhibaanaddu waxay baaritaanka ku tilmaantay mid siyaasadeysan oo lagu beegsanayo, iyadoo maamulka Madaxweyne Donald Trump uu hore u muujiyay xiisaha uu u qabo arrimaha la xiriira taariikhdeeda socdaalka.
Si kastaba ha ahaatee, go'aanka garsooruhu ma burinayo amarka baaritaanka mana joojinayo baaritaanka federaalka. Wuxuu xaddidayaa oo keliya habka loo heli karo loona baari karo dukumentiyada, si loo ilaaliyo agabka ay Dastuurka Mareykanku ka dhowrayaan baarayaasha.
GAROWE ONLINE