Diyaarad Ethiopian Airlines leedahay oo loo diiday inay ku degto Israa’iil sababo la xiriira dhalashada duuliyaha
ADDIS ABABA - Diyaarad xamuul oo ay leedahay shirkadda Ethiopian Airlines, kana duushay magaalada Addis Ababa subaxnimadii Isniintii shalay, ayaa loo diiday inay gasho hawada Israa’iil, kaddib markii la ogaaday in mid ka mid ah duuliyayaasheedu uu u dhashay dalka Indonesia oo aan xiriir diblomaasiyadeed la lahayn Israa’iil.
Diyaaradda ayaa lagu khasbay inay dib ugu laabato halkii ay ka soo duushay, kaddib markii mas’uuliyiinta Israa’iil ay ogaadeen dhalashada duuliyaha.
Dhacdadan ayaa dhalisay su’aalo cusub oo ku saabsan habraacyada amniga duulista, gaar ahaan kaddib isku daygii afduubka diyaaradda Flydubai.
Wararka ayaa sheegaya in markii diyaaradda ay ku laabatay garoonka diyaaradaha ee Itoobiya, duuliyihii u dhashay Indonesia lagu beddelay duuliye kale oo loo oggol yahay inuu galo garoonka diyaaradaha Ben Gurion ee Israa’iil.
Dhacdadan ayaa muujinaysa sida ay arrimaha dhalashada shaqaalaha diyaaradaha iyo xayiraadaha safarku u saameyn karaan duulimaadyada caalamiga ahee taga Israel.
Si kastaba ha ahaatee, faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan waqtiga saxda ah ee dhacdada iyo tallaabooyinka ay qaadeen shirkadda diyaaradaha iyo mas’uuliyiinta Israa’iil laguma sheegin xogta la helay.
GAROWE ONLINE