Trump: Weerarkii Mareykanka ee Iran waxuu la mid ahaa duqeyntii Hiroshima iyo Nagasaki

Image

Amsterdam, Juun 25, 2025 – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa abuuray hadal-heyn caalami ah kadib markii uu shir-madaxeedka NATO ee ka socda dalka Netherlands ka sheegay hadal uu weerarro diyaaradeed oo Mareykanku dhawaan ku qaaday xarumo nukliyeerka Iran la barbardhigay duqeyntii atomikada ahayd ee Hiroshima iyo Nagasaki ee Dagaalkii Labaad ee Adduunka.

Trump oo ka hadlayay weerarkii Sabtidii ee Mareykanku ku qaaday goobaha nukliyeerka Iran ayaa yiri: "Weerarkaas wuxuu soo afjaray dagaalka. Ma rabo inaan tusaale u soo qaato Hiroshima ama Nagasaki, laakiin waxay ahayd isla sidaas — waa waxii soo afjaray dagaalkaas. Tani waxay soo afjartay dagaalkan. Haddii aanan meesha ka saarin, dagaalka weli wuu socon lahaa maanta."

Hadalkan ayaa yimid xilli madaxda NATO ay durbaba dareensan yihiin walwal ku saabsan hadallo uu Trump horay u jeediyay oo uu ku su'aal gelinayay sida Mareykanku uga go'an yahay difaaca wadajirka ah ee ku cad Qodobka 5aad ee heshiiska NATO. 

Waxyaabaha Trump ku sheegay weerarka iyo barbardhigga uu sameeyay ayaa sidoo kale kusoo beegmaya xilli uu jiro heshiis xabbad-joojin ah oo kacsan oo u dhexeeya Israel iyo Iran, kaasoo uu Trump sheegtay in Mareykanku door muhiim ah ku lahaa dejintiisa. Inkastoo xabbad-joojintu wali ay jirto, hadalka Trump iyo weerarradii ballaarnaa ee Mareykanka ku qaaday Iran ayaa si weyn u kiciyay falcelin caalami ah.

Diblomaasiyiin badan iyo falanqeeyayaal siyaasadeed ayaa sheegay in isbarbardhigga Trump u sameeyay Hiroshima uu halis ku yahay diblomaasiyadda caalamiga ah, isla markaana uu dhaawacayo isku dayada xasillinta gobolka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weerarada Iran ee xarumaha CIA-da oo dhaliyay su’aalo ku saabsan doorka suurtagalka ah ee Ruushka

Qaar ka mid ah ilo-wareedyada ayaa sheegay in xarumo kale oo CIA ah sidoo kale la beegsaday, balse ma aysan bixin faahfaahin dheeraad ah.

  • Caalamka

    23-07-2026

  • 10:47AM

Maraakiibta shidaalka Sacuudiga oo lagu weeraray Badda Cas

Kooxda Xuutiyiinta, oo sidoo kale loo yaqaan Ansar Allah, ayaa 20-kii Luulyo ku dhawaaqday xannibaad badeed ka dhan ah Sacuudiga.

  • Caalamka

    23-07-2026

  • 09:18AM