Turkey: tahriibeyaal ku qariqmay marinka Bosphorus

Image

November 4, 2014 (GO)- Ugu yaraan 24 qof oo tahriibeyaal ahaa ayaa geeriyoodey kadib markii doon sidey ku dhowaad 40 qof ku degtey maal u dhow marinka Bosphorus ee Badda Madow.

Dadka geeriyoodey oo dhamaantood Afghanistan kasoo jeedey, waxaa lagu soo waramayaa inay ku jireen 7 haween ah iyo carruur tiradooda lagu sheegay 12.

Warbaahinta Turkiga ayaa baahisey in lix qof lasoo badbaadiyey 17  kalena la la'yahay inakstoo weli laamaha badbaadadu raadinayaan.

Doonta degtey oo kusii jeedey Midowga Yurub gaar ahaan dalka Romania, waxay ka shiraacatay Istanbul shalay oo Isniin ahayd.

Turkiga waxaa sanad walba ka tahriiba boqollaal qof oo Asian u badan, kuwaasoo ku wajahan wadamada Yurub si ay nolol fiican uga helaan.

Safarka halista ah ee lagaga gudbo Badda Dhexe iyo Badda  Madow waxaa sanad walba ku geeriyooda tobannaan muhaajiriin ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump: Heshiiska Iiraan wuxuu ka dhigi doonaa Marinka Hormuz mid si joogto ah u furan

Wareysi uu bixiyey Axaddii, Trump wuxuu sheegay in haddii Tehran ay ku guuldarreysato…

  • Caalamka

    15-06-2026

  • 03:12AM

Iran oo shaacisay waqtiga la aasayo Ayatollah Ali Khamenei 100 maalin kadib dilkiisa

Waxayna inta dhexeyso 4-ta ilaa 9-ka Luulyo ka dhici doonaan magaalooyinka Tehran, Qom, iyo Mashhad.

  • Caalamka

    13-06-2026

  • 12:43PM