Turkiga iyo Imaaraadka oo bog cusub u furaya xiriirkooda

Image
Dhaxal-sugaha Imaaraadka Carabta ayaa asbuucyada soo aadan booqanaya magaalada Ankara.

ANKARA, Turkey - Dhaxal sugaha Imaaraadka, Mohammed bin Zayed al Nahyan, ayaa booqan doona Turkiga toddobaadka soo socda markii ugu horreysay muddo toban sano ah, sida ay Middle East Eye u sheegeen laba sarkaal Turki ah.

Booqashada amiirka dhaxal sugaha Imaaraatka ee la filayo inay dhacdo 24 November, ayaa noqon doonta isbedel astaan ​​ah kadib markii Imaaraadka iyo Turkiga ay ku heshiiyeen inay hagaajiyaan xiriirka xagaagii hore.

Saraakiisha Turkiga ayaa ku tilmaamay booqashada MBZ inay tahay "bilaw cusub" kadib sanado colaadeed markii Ankara ay Imaaraadka ku eedaysay inay maalgelisay afgambigii 2016 ka dhacay Turkiga, ayna wiiqday danaha Turkiga ee Liibiya.

Turkigu waxa uu hore u aaminsanaa in uu ku xidhan yahay halgan gobol oo uu kula jiro Imaaraadka ka dib markii Ankara ay taageertay dhaqdhaqaaqyo cusub oo dimuqraadi ah oo ka soo baxay kacdoonkii Carabta.

Hase yeeshee doorashadii madaxweynaha Maraykanka Joe Biden waxa ay calaamad u ahayd isbedel cadaadiyey dalalkan, iyada oo Washington ay hadda u soo jeedsatay bariga Aasiya iyo inay ka fogaato bariga dhexe.

Bishii Ogosto, la taliyaha amniga qaranka Imaaraadka Tahnoun bin Zayed al Nahyan, oo ah walaalka dhaxal-sugaha ah, ayaa la kulmay madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan si uu ugala xaajoodo khariidad maalgashi cusub oo Imaaraadku ku sameeyo Turkiga.

Illo wareedyo ayaa MEE u sheegay in Imaaraadku qorsheeyay inuu ugu yaraan $10 bilyan ku maalgeliyo Turkiga, iyadoo qaar kalena ay tirada intaas ka sii badan tahay, taasoo gaaraysa tobanaan bilyan oo doollar.

Mid ka mid ah dadka aqoonta u leh u diyaargarowga booqashada MBZ ayaa MEE u sheegay in ay korortay xiisaha Imaaraatka ee shirkadaha difaaca ee Turkiga, kuwaas oo sameeyay ganacsiyo faa’iido badan leh oo leh awood wax soo saar wadani ah sanadihii ugu dambeeyay.

Maamulka maalgashiga Abu Dhabi iyo shirkadaha kale ee Imaaraadka Carabta ayaa sidoo kale lagu soo waramayaa inay xiiseynayaan daryeelka caafimaadka, bartilmaameedyada tignoolajiyada maaliyadeed iyo warshadaha kale ee Turkiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

India: New Delhi oo la geliyay heegan sare kadib qarax dhimasho sababay

Wakaaladda PTI News ayaa ku warrantay in magaalada Delhi lagu soo rogay heegan amni oo sare kadib qaraxa.

  • Caalamka

    10-11-2025

  • 05:09PM

Madaxweynaha Suuriya oo gaaray Maraykanka kadib markii laga saaray liiska argagixisada

Safarka Al-Sharaa ayaa loo arkaa mid calaamad u ah isbedel cusub oo xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Washington iyo Dimishiq.

  • Caalamka

    09-11-2025

  • 07:15AM