Turkiga oo askar looga dilay dagaal ka dhacay waqooyiga Iraq

Image
Wasaaradda Gaashaandhiga Turkiga ayaa falka lagu khaarijiyey askarta ku qeexdey "shil".

ANKARA, Turkey - Afar askari oo Turki ah ayaa lagu dilay iska horimaad dhexmaray iyaga iyo dagaalameyaal ku sugan waqooyiga Ciraaq, sida lagu sheegay bayaan ay soo saartay wasaaradda gaashaandhigga waddanka Turkiga.

Wasaaraddu waxay sheegtay galinkii dambe ee Axadii in shilkan uu ka dhacay gobol uu Turkigu ka waday hawlgal xuduudeed oo lagu magacaabo Claw-Lock.

Turkiga ayaa si joogto ah howlgalo uga fuliya Ciraaq, oo dhacda xuduudeeda koonfureed, taasoo qeyb ka ah weerarada ka dhanka ah xubnaha xisbiga shaqaalaha Kurdistan (PKK) ee fadhigoodu yahay gobolka Kurdiyiinta ee waqooyiga Ciraaq.

PKK ayaa bilaabay kacdoon hubaysan oo ka dhan ah dawladda Turkiga 1984-kii, iyaga oo markii ugu horreysay raadinayay madax-bannaani. In ka badan 40,000 oo qof ayaa lagu dilay iska-hor-imaadka.

Kooxdan oo aan wali ka jawaabin dhawaqa kasoo yeeray xukuumadda Ankara waxaa koox "argagixiso" u aqoonsan Turkiga, Maraykanka iyo Midowga Yurub.

Hawlgallada militari ee Ankara ee waqooyiga Ciraaq ayaa waxaa dhaleeceeyay dowladda Ciraaq, oo ku eedeysay Turkiga inuu ku guuldareystay inuu ixtiraamo madaxbanaanida dhuleed ee Ciraaq.

Baqdaad ayaa sheegay in Turkigu uu "si bareer ah ugu xad-gudbay" madax-banaanida Ciraaq waxayna u yeereen safiirka Ankara u fadhiya caasimada ka dib markii weerar lagu qaaday goob dalxiis oo ku taal gobolka Duhok.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel oo la wadaagtay Maraykanka walaaca ay ka qabto Gantaallada cusub ee Iran 

Iran ayaa cashar lama iloobaan ah u dhigtay Israel bishii June, oo ku qaadey weeraro gantaallo oo Tel Aviv iyo Haifa ka dhigay sidii Gaza.

  • Caalamka

    22-12-2025

  • 07:47AM

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM