Turkiga oo ku dhawaaqay go'aan uu ka qaatay dowlada Suuriya

Image
Wasiirka arimaha dibada ee dalka Turkiga, Mevlut Cavusoglu, ayaa hadalkan u sheegay baarlamaanka dalkaas.

ANKARA, Turkey - Wasiirka arimaha dibada ee dalka Turkiga, Mevlut Cavusoglu, ayaa sheegay dowladiisu diyaar u tahay in ay kala shaqayso dalka Suuriya la dagaalanka argagixisada, amaanka, iskaashi siyaasadeed iyo dib u celinta muwaadiniinta Suuriya.

Mevlut Cavusoglu ayaa hadalkaan kahor sheegay baarlamaanka dalkiisa isaga oo tibaaxay in laamaha amaanka gaar ahaan Sirdoonka labada dal ay in muddo ah wada xiriirayeen.

"Hadii nidaamka Suuriya uu u dhaqmo si macquul ah anaga diyaar ayaan u nahay iskaashi siyaasadeed iyo in aan kala shaqayno dib u celinta muwaadiniintooda," ayuu xusay.

Bishii August ayaa wasiirku caddeeyay in hadii la isfahmo ay ayagu diyaar u yihiin in ay dib ula heshiiyaan nidaamka Suuriya, arintaas oo wakhtigaas banaan baxyo ka abuurtay Bariga dalka Suuriya.

PKK iyo xoogaga bad-baadada Kurdiyiinta oo xukuumadiisu argagixiso u aqoonsan tahay ayuu carabka ku dhuftey in aysan marna ogolaanayn in ay Suuriya iyo Ciraaq joogaan isla markaana wuxuu ku dhawaaqay in ay tirtirayaan.

Arinta la xiriirta dagaalka Ukraine ayuu afka ku balaaryey in dalkiisu qaatay kaalin fir-fircoon gaar ahaan dhoofinta miraha dalkaas iyada oo la adeegsanayo badda madaw.

Bishii November, madaxweynaha Turkiga, Rajab Erdogan ayaa shaciyey in ay suurtagal tahay in dhawaan uu Turkiga iyo Suuriya xiriirkoodu soo laabto si lamid ah Masar maadaama oo sida uu hadalka u dhigay aysan jirin dirir joogto ah marka siyaasadda la joogo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ra’iisul Wasaaraha Britain oo wajahaya cadaadis sii xoogeysanaya, isagoo ka fiirsanaya iscasilaad

Starmer ayaa muddooyinkii dambe wajahaya hoos u dhac ku yimid taageeradiisa, qaladaad dhanka siyaasadda ah iyo fadeexado isa soo tarayay.

  • Caalamka

    21-06-2026

  • 03:26PM

Israel oo taliye sare iyo askar looga dilay weerar ka dhacay koonfurta Lubnaan

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa dhankeeda sheegtay in ugu yaraan 18 qof ay ku dhinteen duqeymo ay fuliyeen ciidamada Israel.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 12:11PM