Turkiga oo la wareegay awooda ciidamadda Bariga Dhexe

Image
Lubnaan oo kasoo muuqatay kaalinta 111-aad ayaa noqotey waddanka haysta ciidanka ugu liita ee gobolka.

ANKARA, Turkey - Turkiga ayaa kor u qaaday awoodiisa milatari sanadkii la soo dhaafay, taasoo u sahashay in ay laba darajo u kororto qiimeynta caalamiga ah ee 2023-ka oo uu ka galay kaalinta 11-aad iyo in uu hogaanka u qabto gobolka Bariga Dhexe.

Shabakadda tirakoobka difaaca ee Global Fire Power ayaa dib u eegtay awoodda ciidan ee 145 waddan ee 2023-ka adduunka oo dhan iyadoo loo eegayo siddeed qaybood oo ay ku jiraan tirada ciidamada, ilaha dhaqaalaha, xaaladaha maaliyadeed, saadka iyo juqraafiga.

Kaalinta 2-aad, Masar ayaa ku jirta kaalinta ugu awoodda badan ee dalalka Carabta marka loo eego cududooda ciidan, iyadoo darajada 14-aad ee caalamka ay ku jirto.

Iran ayaa leh ciidamada saddexaad ee ugu awooda badan gobolkeeda, marka loo eego qiimeynta  oo ay ka gashay kaalinta 17aad ee caalamka. Sheekada xiisaha leh waa in Israa'iil ay gashay kaalinta 18aad.

Sacuudi Carabiya ayaa u taagan inay tahay dalka ugu awoodda badan dalalka Golaha Iskaashiga Khaliijka. Boqortooyada ayaa leh ciidamada labaad ee ugu awooda badan dowladaha Carabta, waxaana darajada ay caalamka ka joogtaa ay tahay 22-aad.

Wadamada Waqooyiga Afrika, Aljeeriya ayaa ka muuqda dalka ugu awooda badan marka la eego awoodiisa ciidan, iyadoo qiimeynta ka  galay kaalinta 26-aad.

Ciraaq ayaa leh ciidanka toddobaad ee ugu awoodda badan gobolka MENA iyo 45-aad adduunka oo dhan. Imaaraatka Carabta waa ciidamada labaad ee ugu awooda badan gobolka Khaliijka iyo 56aad ee caalamka.

Morocco ayaa kasoo muuqatay kaalinta sagaalaad, halka ay aduunka ka gashay kaalinta 61aad. Xoogaga Suuriya waa ciidanka 10-aad ee ugu awooda badan bariga dhexe iyo 64-aad ee aduunka.

Qatar, Tunisia iyo Yemen ayaa ku kala jira 11-aad, 12-aad iyo 13-aad ee heer-goboleed iyadoo qiimeyntooda caalamiga ah ay kala yihiin 65-aad, 73-aad iyo 74-aad.

Qiimayntan ayaa lagu sheegay in ciidamada Liibiya iyo Urdun ay kala galeen 80-aad iyo 81-aad, siday u kala horreeyaan. Lubnaan ayaa waxa ay u taagan tahay waddanka ugu daciifsan gobolka Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika waxaa ay fadhisaa kaalinta 111-aad.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirkadda AstraZeneca oo qirtay in talaalka Covid-19 uu keeni karo “xanuun cafimaad”

Talaalkan ayaa si weyn loogu qeybiyay gudaha Soomaaliya sanadkii 2021.

  • Caalamka

    02-05-2024

  • 07:41AM

Banaanbaxyo lagu taageerayo qaddiyada Falastiin oo gilgilay Mareykanka

Ugu yaraan 20 mudaaharaadayaal ah oo taageersan Falastiin ayaa xabsi loogu taxaabay isu-soo-baxyadan aawadeed.

  • Caalamka

    02-05-2024

  • 05:25AM